MADASHA AGA EE BISHA AGOOSTO
MAWDUUCA: SUUGAANTA BEERALEYDA IYO KAALINTEEDA NOLOSHA BULSHADA.
Waxaa diiradda lagu saarayaa suugaanta Maayga iyo deegaannada webiyada
Madashan waxaa lagu falanqaynayaa Suugaanta beeraleyda iyo kaalinta ay kaga jirto nolosha bulshada, gaar ahaan suugaanta Maayga iyo deegaannada webiyada.
Waxay qayb ka tahay muujinta hodantinnimada iyo baaxadda suugaanta Soomaalida, iyo sida ay ugu baahan tahay cilmibaaris iyo daraasado qoto dheer.
Waxaa soo jeedinaya xeeldheerayaasha kala ah:
-
Prof. Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ah xeeldheere afka iyo suugaanta Soomaalida, waxna ka ururiyey suugaanta Beeraleyda gaar ahaan deegaannada webiyada.
-
Abwaan Maxamuud Xaaji Maxamed “Tarash” oo ah abwaan iyo fannaan leh suugaan badan gaar ahaan suugaanta Maayga.
-
Md. Abuukar Al-Badri oo ah qoraa iyo ssaxafi, iyo cilmibaare daneeya Maayga iyo suugaantiisa.
Waxaa xiriirinaya:
Md Cabdullaahi Sh. Cabdi “Gacanka” oo ah saxafi iyo suugaanyahan, kana tirsan AGA.
Taariikh: 07/08/2021 Sabti
Saacad: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook TOOS (LIVE)
Kulankan kaga soo qaybgal aaladda fogaan-aragga ZOOM adiga oo gujinaya lingaxan hoose ama furayaasha hoose..
https://us02web.zoom.us/j/7866050646…
Meeting ID: 786 605 0646
Passcode: AGA2021
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim















