Carwadii 4-aad ee bandhigga buuggaagta Garowe oo socotay intii u dhaxaysay 16-19 bisha Luulyo ee sannadka 2018-Ka ayaa  si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika  ee Gobolka Nugaal.

Munaasabadii xeritaanka carwadaasi ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen  Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in sannad walba carwadaasi  lagu qabto magaalada Garowe,  waxayna  caddeeyeen qabshada bandhiggaasi inuu dhiiri-galin u yahay kor u qaadida akhriska, qoraalka iyo is dhex-galka bulshada, iyagoo u mahad celiyay Hay’adihii isku soo duway.

Qoraa Axmed Faarax Cali (Idaajaa) oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ee lagu casuumay carwadaasi ayaa sheegay akhrisku in uu kordhiyo xusuusta isla markaana  uu Dawo u yahay qabyaaladda iyo sida  xun  ee loo fekero, isagoo bahda qoraalka ku guubaabiyay inay bartaan  afkooda  hooyo iyo sooyaalkiisa ka hor inta aaney wax qorin.

Carwadaasi oo aad loo jeleystay ayaa waxa ka soo qeyb galay in ka badan 70-qoraa oo ka kala yimid Gobolada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wadamada dibadda, waxaana carwdaasi lagu soo bandhiggay in ka badan 450 nooc oo buuggaag ah.

Bandhigyada ceynkaan oo kale ah ayaa u muuqda inay ku soo kordhayaan Dalka Soomaaliya, waxaana carwooyinka noocaan oo kale ah ay sannad walba ka kala dhacaan magaalooyinka Hargaysa, Muqdisho, Garowe iyo Kismaanyo.