Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo toddobaadyadii la  soo dhaafay  hawlo shaqo u joogay waddamada Ingiriiska iyo Jabuuti ayaa maanta oo ku beegan 25-ka Juun 2018-ka  waxa uu si faah-faahsan uga war-bixiyay socdaaladii uu ku soo kala bixiyay dalalkaasi.

Prof. Afrax oo la hadlayay xubnaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee fadhigoodu uu yahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegay intii uu joogay wadanka Ingiriiska inuu halkaasi kulan balaraan kula yeeshay wakiilada Akadeemiyada  Aga  ee ku sugan wadankaasi, waxaana uu caddeeyay inay ku balameen sidii loo dar-dar galin ahaa hawlaha Aga ee ka socda wadankaasi.

“Runtii Aga Uk iyo Aga Scandinavian-ka oo aan qadka taleefanka ku wada xiriirnay aad bay u  shaqeynayaan, waxaana isku afagaranay inay la yimadaan  naf-hurnimo ku aadan daryeelka afka Soomaaliga” ayuu yiri Prof. Afrax oo sheegay inuu xubnahaasi kula soo dar-daarmay sidii ay u  labba jibaari lahaayeen hawlahooda.

Mar uu ka hadlayay Gudoomiyaha Afrax  socdaalkii uu ku tagey wadanka  Jabuuti ayaa  hoosta ka xariiqay inay arimo aad u badan oo ku saabsan horumarinta afka Soomaaliga ay dalkaasi ugu soo qabsoomeen, isagoo intaasi ku darrey in socdaalkiisii dhinaca dibadda uu ugu soo dhamaadey si guul leh.

Gudoomiyaha Aga  ka hor waxaa kulankaasi ka hadlay Prof Mustafa C/llaahi Feyruus oo ka mid ah masuulyiinta Akadeemiyadaasi, waxaana uu si mug leh uga hadlay  arimihi u qabsoomay xubnaha Aga ee ku sugan magaalada Muqdisho muddadii koobneyd ee uu  Gudoomiyaha Aga ku maqnaa safarada hawleed.