Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa si diiran u soo dhaweysay in manhajka waxbarashada dalka Soomaaliya lagu qoro afka Soomaaliga, War qoraal ah oo ka soo baxay xarunta Akadeemiyadaasi ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay inay Akadeemiyada Aga ku faraxsan tahay in markii ugu horeysay tan iyo bur-burkii Soomaaliya kadib in la soo saaro buuggaag waxbarasho oo ku qoran afkeena hooyo.
Buuggaagta waxbarashada ee la soo bandhigay ayaa nasiib wanaag dhamaantood waxay ku daabacan yihiin afkeena hooyo marka laga reebo labba buug oo ku kala qoran luuqadaha Carabiga iyo English-ka, buuggaagtaan ayaa loogu tala-galay inay wax ku bartaan oo ay ka faa’iidaystaan ardayda dhiganaysa fasalka Koowaad illaa kan Afaraad ee Dugsiga Hoose.
Talaabaddaan cusub ee lagu dhaqaaqay ayaa waxay sahlaysaa sidii jiilalka soo korayo ay u baran lahaayeen afkooda hooyo, horey ayaa sidaan oo kale xilligii Dawladdii Kacaanka waxaa wadanka uga jiray manhaj waxbarsho oo ku qoran af-Soomaali, kaasi oo lagu qaadan jirey Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare.















