Madashii horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (AGA) oo bishiiba hal mar la qabto ayaa xalay oo ku beegneyd 27/2/2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka.
Madashaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay “Xuska Maalinta Afka Hooyo iyo Xaaladda Afka Soomaaliga” waxaana ka soo qeyb-galay madaxda iyo maqaawiirta AGA, danjirayaal, xeel dheerayaal ku taqasusay afka iyo dhaqanka, macallimiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo jecel horumarinta afka Soomaaliga.
Furitaankii madashaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo si qoto dheer uga hadlay sida uu ku yimid xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana uu caddeeyay in xuskaasi la bilaabatay sannadkii 2000, isaga oo iftiimiyay in xuskaasi lagu go’aamiyay shirkii Unecso ee la qabtay 1999, iyada oo la isla qaatay in sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo in la xuso maalinta afka hooyo.
“Xuska caalamiga ah ee afka hooyo waa 22 jirsaday, annagana waxaa xuskaasi soo wadnay 15 sanno, sannadkii 2006 ayaa ka billownay dalka Jabuuti, mahadi ha ka gaartee Madaxweyne Ismaaciil ayaa horseed ka ahaa xuskaasi, laga soo bilaabo maalintaas ilaa haatan waxaa si firfircoon oo wax ku ool ah u wadnaa xuskaasi, nasiib wanaag sannadkaan waxaa xuskaasi laga dhigay dhammaan maagaalooyinka Geeska Afrika iyo inta badan magaalooyinka Yurub iyo America oo ay ku nooshahay Soomaalida qurbaha ku dhaqan” ayuu yiri Dr. Afrax oo dhinaca kale sheegay taariikh-ahaan xuska 21 Febraayo in uu ka soo jeedo markii 1952 dalka Bangaladesh lagu laayay arday u bannaan-baxaysay sidii wax loogu bari lahaa afkooda hooyo ee la yiraahdo Bangaali.
Guddoomiyaha AGA oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay wacyigalintii ku aadaneyd sidii afka loo bad-baadin lahaa in ay meel sare gaartay laakiin ku dhaqankii iyo hirgalintii ay wali dhimman tahay, waxaana uu sheegay bahda afka iyo hal-abuurkiisa in uu kula dardaarmayo sdii sannadkan looga dhigi lahaa sannadkii “Tayaynta af Soomaaliga iyo Balaarinta Adeegsigiisa” iyada oo loo hawl-galayo hannaankii looga taaba-galin lahaa goobaha waxbarashada, maamulka iyo dhanka bulshada.
Guddoomiyaha AGA kadib, waxaa madashaasi mowduucyo kala duwan ka soo jeediyay Wakiilka AGA ee dalka Ingiriiska Prof. C/qaadir Ruumi, Wakiilka AGA ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Macallin Maxamuud Maxamed Cabdullaahi, Bare Sare Cabdalla Mansuur oo ka mid maqaawiirta Akadeemiyada iyo macallimad Nimco Nuur oo ku nool Finland, kuwaasi oo si faah-faahsan uga war-bixiyay arimo muhiim ah oo ku saabsanaa af Soomaaliga iyo sida loo horumarin karo.
Gababa-gabdii madashaasi waxaa su’aallo iyo tallooyin ku soo gudbiyay Danjiryaal iyo qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka soo qeyb-galay, waxaana su’aalihii halkaasi lagu soo bandhiggay si saraaxad leh uga jawaabay Guddoomiyaha AGA iyo xeel-dheerayaashii martida ku ahaa madashaasi qiimaha badneyd.


















