Shir ay ka soo qeyb-galeen xubnaha Waaxda Tababbarada ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadlayay sidii loo dardar-galin lahaa hawlaha hor-yaalo waaxdaasi ayaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.
Kulankaasi oo uu shir Gudoominayay Agaasiamaha waaxda tababbarada AGA Al-ustaad C/laahi Sheikh Cabdi (Gacanka) ayaa si qoto dheer waxaa loogu gorfeeyay qaabka ugu haboon oo ay waaxdaasi uga soo dhalaali karto shaqooyinka ay u xil saaran tahay.
Shirkaasi oo qeyb ka ahaa kulamadii joogtada ahaa ee waaxdaasi yeelan jirtey ayaa gaba-gabadiisii waxaa la isku af-gartay inay waaxdu u diyaar garowdo sidii ay horseed uga noqon laheyd qaabkii loo qaban lahaa tababbarkii Macalimiinta dhigta AfSoomaaliga.
Waaxda tababbarada ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay ka mid tahay laamaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Akadeemiyada, hawsheeduna waa diyaarinta iyo qabashada hawlaha la xiriira dhinaca tababbarada ay AGA qabanayso.















