Hawl-wadeenno ka mid ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa ka qeyb galay Carwadii Buugaagta Kismaanyo, Carwadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa intii u dhaxaysay 23-25 Abriil waxa ay si xiiso leh  uga socotay xarunta  Dawlad-Goboleedka Jubbaland ee magaalada Kismaanyo.

Qoraaga Dayax Axmed Illey oo ka tirsan Masuuliyiinta Akadeemiyada AGA ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeedisay waxa ay uga  war-bixisay hawlaha iyo waxqabadka Akadeemiyada   ee ku aaddan dhinaca daryeelka iyo nooleynta afka Soomaaliga, waxaana ay ka qeyb galayashii carwadaas ay gaarsiisay salaan iyo hambalyo ay uga sidday Gudoomiyaha Akadeemiye- Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax.

Dayax Axmed oo u waramaysay Mareegta ama Degalka (Website) AGA ayaa sheegtay inay raalli ka tahay  sida  ay u qabsoontay carwadaas, waxaana ay caddeysay inay ku faraxsan tahay inay halkaasi   ku soo bandhigto buuggeeda la magac baxay Habeen-eersi. Waxayna   intaasi raacisay inay ka qeyb qaaday Dood-Cilmiyeed looga  hadlayay doorka ay gabdhuhu ku leeyihiin qoraalka iyo buugaagta.

Carwadaas  oo sannadkiiba mar lagu qabto magaalada Kismaanyo  ayaa  fuitaankeedii   iyo xiritaankeedii  waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Jubbaland Md, Maxamuud Sayid Aadan oo sheegay inay Jubbaland ka go’an tahay  dhiiri galinta bahda qorayaasha Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyay dadkii soo qaban-qaabiyay carwadaas iyo qorayaashii ka soo qeyb-galay.

Waa sannadkii Labaad ee magaalada Kismaanyo ay martigalinayso carwadaas, waxaana sannadkaan nasiib u yeeshay inay ka soo qeyb galaan  in ka badan Labbaatan qorayaal ah oo lagu martiqaaday bandhigaasi, kuwaasi oo ka kala yimid daafaha Caalamka.