Kulan aad u qiimo badan oo loogu diyaar garoobayayay xuska maalinta caalamiga ah ee loogu tala galay Dhawrida Xuquuqda Fekerka ee loo yaqaano maalinta Buugga, ayna ka soo qeyb galeen masuuliyiin iyo hawl wadaeeno ka tirsan Akadeemiyada AGA ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa furitaankii kulankaasi ka hadlay waxaana uu si qoto dheer uga war bixiyay sida ugu haboon ee loo qaban karo xuska malainta caalamiga ah ee Buugga, waxaana uu carrabka ku dhuftay in xuska sannadkan loo sameyn doono si ka heer sareysa sannadihii hore, isagoo intaasi raaciyay inay AGA ka go’an tahay qabashada xusaska la xiriira Afka, Dhaqanka, Qoraalka iyo Hal-abuurka
“Munaasabdda lagu xusi doono maalinta Buugga waxaa ku lamaanan Daah-fur loo sameyn doono Buug cusub la magac baxay Hal-door, buuggaasi oo ay diyaarisay Akadeemiyada AGA ayaa si baahsan waxa uu uga hadlayaa taariikhda, waxqabadka iyo sifooyinkii uu lahaa aqoonyahan Shariif Saalax Maxamed oo ka mid ahaa Maqaawiirta Akadeemiyada AGA“ ayuu yiri Prof. Afarax oo intaasi ku darey in buuggaani uu noqon doono midkii Labaad ee noociisa oo kale ah oo ay Akadeemiyadu soo saarto.
Qaar ka mid ah xubnihii Akadeemiyada ee kulankaasi ka hadlay ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay fekrado ku aadan sida ugui quruxda badan ee loo qaban karo xuskaasi.
23-ka April ayaa sannad walba waxaa caalamka laga xusaa maalinta loo asteeyay Xaq-dhawrka Xuquuqda dhinaca Fekerka taasi oo loo yaqaano maalinta Buugga, inta badan Wadamada adduunka ayaa si weyn looga xusaa maalintaasi qiimaha badan















