Qoraaga Buugga: Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin
Buuggaan waxaa la galiyey maskax, maal iyo waqti aan yareyn, buugga “Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar, waa dhaxal reeb Qaran oo loogu tala-galay sidii bulshada Soomaaliyeed loogu iftiimin lahaa sooyaalka taariikheed ee wadankooda soo maray.
Taariikh, Dhaqan, Siyaasad, Dhacdo caadi ah, Sheeko run ah ama mid mala-awaal ah ayaa si xirfadeysan wax looga qoraa, qoraalku waa xirfad aan cid walba yeelan karin, macaanka, qiimaha iyo xiisaha qoraalku waxay ku xeran tahay hadba sida loo qurxiyo iyo inta ay la eg tahay juhdiga la galiyo.Waa lagu kala hodonsan yahay xirfadda wax qorista, qorayaasha qaarkood hibo ayay u leeyihiin fanka qoraalka, Xaqiiqdii qeybo ka mid ah hal-abuurka qoran marnaba lagama dhargeyo, waana sida Malabka oo kale.
Inta aanan u gelin faaqidaada Buugga Waxaan marka hore ammaan iyo bogaadin u jeedinayaa xildhibaan Drs: Maryan Cariif Qaasin oo ah taabageliyaha dhiganahaan sooyaal-buugeed hal-qoridiisa oo aan uga mahadcelinayo dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisey iyo waqtigii faraha badnaa ee ay u hurtey sidii ay uga mira dhalin laheyd hadafkeedii ahaa iney keyd qoraal sooyaaleed u reebto jiilalka danbe ee dhalan doona timaadadooda ifka.
“Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar” waa buug waxtar badan oo aan wax badan ka kororsadey, waxaana ka dhigtey Wehel iyo walaal, waxaa mahadsan Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo ah Xildhibaan heer Qaran, Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSomaaliga( AGA), dhinaca kale waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsan lahaa in Bulshada ay Dhaxal muuqda uga tagaan sida Qoraa Maama Maryan Cariif oo kale.
Buuggan ‘’War helaa Tala helaa ”Qaamuuska Siyaasiga Da’da yar’’ Xog-taariikheedka lagu keydiyey baalashiisa, wuxuu ka kooban yahay labaatan cutub oo uu mid waliba uu leeyahay farac hoosaadyo u gaar ah. labaatanka cutub haddii aan soo koobo. Waxaan ku soo ururin lahaa afar xilli-taariikheed oo kala ah:-
1. Xilligii neecowda xoriyada intii u dhaxeysey 1950-1960kii.
2. Xilligii madax bannaanida dalka iyo xukuumadihii rayidka ee u kala danbeeyey. sannadihii 1960kii-1969kii.
3. Xilligii kacaanka ciidamadu la wareegeen hoggaanka dalka dabayaaqadii 1969kii-1990kii.
4. Xilligii colaadihii sokeeye ee Qaran burburku dhacey 1990kii-2018kii.
Waxaan buugga ka akhriyay halkan kuma soo koobi karo, hadana waxyaabaha buugan aan ka bartay waxaa ka mid ah:-
1.Taariikhdii Dawlad Barashada Soomaaliya.
“Afkeyga daloola, ilkaheyga dahabka mudan waxa ka darraaday waddankeyga daaficiis”
Soddonkii Abriil, 1956 waxaa la daahfuray Golihii Barlamaanka ee “Soomaalida Koonfureed” ayadoo Soomaaliya ay wali ku hoos jirto wasaayadii Qaramada Midoobay ee Talyaanigu maamulayay oo loogu tala-galay in ay 10 sanno socoto: (1950-1960 )si loogu tababaro nidaamka dawladnimo. Baarlamaanka Daakhiliga ah wuxu xilligaas ka koobnaa 70 Xildhibaan waxa Guddoomiye Baarlamaan si aqlabiyad leh loogu Doortey Mudane Aaden Cabdulle Cismaan Allaha u naxariisto.
Fursaddan Soomaalida waxaa loo siiyay:
B. In afar sanno gudahood la soo diyaariyo, lana soo tababaro siyaasad ahaan, maamul ahaan iyo diblomaasiyad ahaan intaba kaadirkii lagu wareejin lahaa maamulka Soomaalida iyo in la sii fadhiisiyo xafiisyada dawladda ee kala duwan
T. In madaxda iyo shaqaalaha lagu carbiyo loona diyaariyo maamulka iyo waajibaadka Dawladnimada ee mustaqbalka laga doonayo.
Gayiga Soomaalida waxaa ka hana-qaaday Xukuumad Daakhili aheyd 1956kii ayadoo tijaabo ah, waa Dowlad oo ka kooban hal Ra’iisul Wasaare iyo Shan Wasiir, Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud ayaa lagu maamusey Xilka Ra’iisul Wasaarihii koowaad ee Soomaaliya, wuxuna taariikhda ku galay in uu ahaa shaqsigii koowaad ee darajo siyaasad qabto, Shanta Wasiir waxay kala ahaayeen:
1. Mudane xaaji Muuse Boqor
2. Mudane Sheikh Ali Jimcaale Baraale
3. Mudane Maxamuud Cabdi Nuur
4. Mudane Salaad Cabdi Maxamuud
5. Mudane Xaaji Faarax Cali Cumar
2. Hanaqaadkii Dawlad Soomaaliyeed
Dawlad wanaaga waxa lagu gartaa maamul hufan, garsoor caadil ah iyo ilaalinta Amniga iyo nabad ku wada noolaashaha bulshada. Habeen barkii Kowdii Luulyo 1960-kii M.r Maria Di Stafano oo ahaa masuul Talyaani ah ayaa ku dhawaaqay in soomaaliya ay xur tahay oo Gobanimadeeda si rasmi ah gacanteeda loogu galiyey, isla maalintaas waxa lagu dhawaaqay Midowga labada Gobol ee Soomaaliyeed Koonfur iyo Waqooyi.
3. Geeridii naxdinta lahayd ee Madaxweyne Cabdirashiid Sharma’arke!
15-kii Bishii Oktoobar 1969kii waxa magaalada Laas-caanood lagu toogtey Madaxweynihii Qaranka Mudane Cabdurashiid Sharma’arke Allaha u naxariisto waxa Toogtey nin askari ah oo kamid ah ilaaladiisa Gaarka ah, arintaas waxay shaki weyn ku dhalisey shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii iyo qaraabadii Madaxweynaha.
4. Dawladdii Militariga aheyd
Kadib markii la dilay Madaxweyne Cabdirashiid waxaa dalka la wareegay xukun militari oo aan dhiig ku daadan 21kii Oktoobar 1969-kii, waxaana hogaaminayay Maxamed Siyaad oo  dalka xukumayay 21 sanno.
5. Burburka Soomaaliya yaa ka dambeeyey!
Soomaaliya waxa ay kuftey xiligii 1978 ilaa 1988kii, waxayna dawladnimadeedsa si rasmi ah u bur-burtey 1993-dii markii uu adduun-weynahii ka quustey, arintaas waxay aheyd Masiibo Qaran oo calaamad u aheyd in Soomaalidii hab milatari ku kala adkaan weyday, laakin looga adkaaday hab siyaasaddeed iyo hab Diblomaasiyad, Burburka Dawladnimada Soomaaliya waxa ka dambeyey Dowladdii Mingistu Haile Mariam ee Itoobiya oo ka Go’nayd in ay adeegsato farsamooyin khatar ku ah Jiritaanka Qaranimada Soomaaliya oo ku jiheysan in gabi-ahaanba la bur-buriyo haykalka Dawlaninada Soomaaliyeed.
Mowqifka Mingiste waxa uu aad uga cuslaa, aadna uga khatarsana kii Dawladdii Boqor Haile Salase, Culeyskaas ee Dawladda Itoobiy ka yimid waxa uu sababay Dagaalkii Soomaaliya ay ku qaaday Itoobiya 1977-kii, dagaalkaas oo Itoobiya u geystey khasaare waa-weyn oo Naf iyo Maal isugu jiro, maalintaas ilaa hadda Dawladda Itoobiya Waxay sameysaa qorsho walba oo lagu bur-burinaayo Dawladdniada Soomaaliya.
6. Federaalka Soomaaliya ku Haboon!
Dastuurka Federaalka wa in uu sameeya shuruuc isku jir ah:-
Arrimaha Qaranka oo cul-culus iyo kuwa Dawlad Goboleedyada dhexdooda ka dhaca, waxa is kaleh Dawlad Qaran, kuwa qaaska ah oo Gobolka iyo deegaanka khuseeya waxa iska leh Dawlad Goboleedyada.
Gunaanad
Waxaan u ducaynayaa qoraaga buugan oo dhaxal rasmi ah uga tagay bulshada Soomaaliyeed, inkastoon aan aqriyey buugaag badan haddana waxa uu noqdey Buuggii iigu saaameynta badnaa ee aan akhriyo marka laga hadlayo taariikhda Soomaalida, Buugga intaan kuma koobna, laakiin waa soo ururiyay, qof walba oo jecel taariikhda Soomaaliya in uu wax ka ogaado, waxaan kula dar-daarmi lahaa in uu akhriyo buuggaan.
Alle ayaa mahad iska leh
Qore: Yuusuf Cumar Nuur (Caadil Uk)
Muqdishu- Soomaaliya