Xanuunka Covid -19 ee dunida ka jira ayaa hakiyey kulamadii aqoonta afka, dhaqanta iyo hal-abuurka. Sidoo kale, wuxuu xannibay bandhigyadii buugaagta iyo hawlihii xarumaha wax akhriska ay bulshada u hayeen. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya illaa hadda waxay xaqiijisay 2146 kiis oo xanuunka Karoona soo ritay, halka dhimashaduna lagu sheegay inay tahay 406 qof.
Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ka mid ah masuuliinta xarunta Maankulan ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in tallaabooyinka looga hortegayo Fayraska Karoonaha oo ay ka mid tahay in dadku kala fogaadaan ay keentay, in ay xarunta xiraan tan iyo bishii Maarso ee sannadkaan, taasoo keentay in dhallinyaradii xarunta maalin kasta sida joogtada ah wax ugu akhrisan jirtay guryahooda joogaan.
“Waxaa kaloo baaqday barnaamijyadii doodaha aqoon kororsiga ahaa oo bil kasta la qabanayey iyo falanqayn toddobaad walba loogu samaynayey buugta ee xarunta ka dhacayey” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Madashan oo qaban jiray sannad kasta Carwo Buugeedka Kismaayo (KBF), ayaa sheegtay in haddii saamaynta xanuunka ay sii jirto sannadkaan ay u badan tahay inuusan qabsoomin bandhiggu. Xarunta ayaa wajahaysa culaysyo dhaqaale, ka dib markii ay joogsatay habkii lagu bixinayey taakulaynta oo ah dhaqaalihii xaruntu ka helaysay xubnaha tabarucaadka bixinayey, taasina ku tahay culays hadda haysta xarunta.
Naadiyada dhaqanka iyo wax akhriska waxay ka jiran gobollo badan oo Soomaaliya ah iyo meelo ka baxsan waddanka, waxayna ku abuurmeen hab iskaa wax u qabso ah oo aqoonyahanno iyo dhalinyaro is abaabushay ay isaga ururiyeen lacago ayna ku bixiyaan kirada, shaqaalaha iyo adeegyada kale, iyadoo inta badan aysan jirin cid si toos ah u caawisa xarumahaan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, waxayna wajahayaan xilligaan xanuunka karoonaha jiro culaysyo dhaqaale oo aysan jirin meel ay ula ciirsadaan.
Suldaan Nayruus oo ka mid ah masuuliinta Golaha Qorayaasha Soomaaliyeed ee Maskaxshiil ee ku yaal Muqdisho, ayaa sheegay in wakhtigaan guryaha la joogo inay jiraan dhinac kale oo faa’iido ah oo uu u yeeshay qalinleyda.
“Annigu macallin ayaan ahaa, hadda gurigaan macalin ka ahay oo carruurtaydii ka joogsatay iskuullada ayaan wax ku baraa, tan kale qoraayaal badan oo aan horay jaanis u heli jirin hadda waxay guryahooda ku heleen wakhti ay wax ku qoraan ama buug qabyo ka ahayd ku dhamays tirtaan” ayuu yiri Suldaan Nayruus.
Suldaan Nayruus wuxuu sheegay in bishiiba laba tababbar oo dhigaalka toolmoon iyo tiirarkiisa ay qaban jireen haddase ay joogsadeen. Sidoo kale, dhaqaalaha xaruntaas ku baxa oo 600 doolar bishii gaarayey ay qaybtood ka heli jireen buugaagta la iibsado, haddana aysan jirin buug la iibsado oo dadku aysan soo aadin maktabahada iyo miisaska buugta lagu iibiyo, taasina ay ku noqotay culays dhaqaale.
Xarumaha akhriska iyo qaraalku waa isha aqoon aan rasmi ahayn ay ka helaan dhallinyaradu, waxaa u dheer waa goobahay ku kulmaan kana helaan buugaag ay akhristaan iyo doodaha cilmiga bulshada, waxaa kale oo ay qaban-qaabiyaan xarumahaani carwooyinka buugaagta ee wadanka meelo kala duwan ka hana qaaday sannadihii la soo dhaafay.
Sufiyaan Siciid waa xoghayaha Xarunta Dhaqanka ee Awjaamac ee magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in xaruntu ay saddex bilood wakhti ku dhaw hadda xiran tahay. Taasina ay keentay in ay hakadaan toddoba tababar oo ku aadan dhaqanka iyo xirfadaha oo sannad kasta ay xarunta siin jirtay tobanaan rag iyo dumar ku nool Nairobi.
Saynab Xaaji oo ka mid ah hawlwadeennada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee loo soo gaabiyo (AGA), ayaa sheegtay in doodihii, tartankii akhriska, akhris-wadareedyadii iyo barnaamijyada xarumaha kala duwan qabanayeen ahaayeen isha lagu kobciyo barashada afka iyo dhaqanka. Sidoo kale ay xarumuhu yihiin goobaha dhallinyaro badan ay ka helaan isku xir iyo aqoon bulsho oo aysan meel kale ka helayn.
“Akadeemiye-Goboleedku, way la qabtaa dhibtaas dunidoo dhan. Waxaa hakaday, tababbarradii horumarinta afka, tayaynta qoraalka iyo munaasabaddo badan oo Akadeemiye-Goboleedka u qorsheysnaa sannadka. Akadeemiye-Goboleedku waxay ku dadaalaysaa, sidii ay dib ugu billaabi lahayd hawlihii Karoonuhu hakiyey.” ayey tiri Saynab.
Masuuliinta xarumaha ee aan la hadlay waxay isku raaceen, inaysan marna ka caajisayn sidii ay uga gudbi lahaayeen xaaladda adag ee lagu jiro ee saamaysay hawlihii naadiyada.Tan iyo intii xanuunka COVID-19 laga helay Soomaaliya kiiskii ugu horreeyey bishii Maarso waxaa xirmay goobihii waxbarashada iyo kuwii bulshadu isugu imanaysay.
Gunaanadkii waxaan ugu baaqayaa maamulada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada in xarumaha sida mutudawacnimada leh bulshada ugu adeegaya in la taageero xilligaan adag si aysan u xirmin, marka xanuunku dhammaadana hawlahii ay bulshada u hayeen ay dib ugu bilaabaan.