Muddooyinkan dambe waxaa isa soo tarayay khatarta soo wajahday afafka hooyo ee ummaddo badan. Afaf ay ummaddahoodii taagan yihiin ayaa dunidan ka tirtirmay. Kuwo kale cudurrada “afdilayaasha” loo yaqaan ayaa weerar ku haya, waxaana laga cabsi qabaa in muddo kooban ku dabargo`aan.
Dhinaca kale, afka hooyo waa khayraad iyo hanti ummad kastaa haysato, laakiinse qaarkood ay iska dayaceen, sidii habboonaydna ayna uga wada faa`iidaysan.
Si khatartaa wax looga qabto, dayacaaddaana meesha looga saaro, looguna hiilliyo afka hooyo ayaa maalinta 21 Febraayo ee sannad kasta ay hay`adda UNESCO u astaysay in loo aqoonsado “Maalinta caalamiga ah ee afka hooyo”. Laga bilaabo sannadkii 2000, dunida daafaheeda waxaa laga dhigaa xaflado iyo kulammo laysku xusuusinayo qiimaha, ilaalinta iyo horumarinta afka hooyo.
Waa munaasabad caalami ah, qolo kastaase xoogga saarayso afkooda hooyo. Waa munaasabad la wada leeyahay, lana kala leeyahay!
Sidaas darteed, Soomaalidu meel kasta oo ay dunida kaga noolyihiinba, waxaa la gudboon inay maalintan isku baraarujiyaan qiimaha uu ugu fadhiyo afkooda hooyo iyo halista ku soo fool yeelatay, halistaas oo ka imanaysa afdilayaal badan oo weerar ku haya.
Iyadoo ka duulaysa xilkaa ummadeed, sannad kastaba Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu waxay agaasintaa xaflado iyo kulammo aqooneed, waxgaradka iyo aqoonyahanka bulshada laysugu keenayo fagaarayaasha, dadkana lagu baraarujinayo qiimaha afkooda hooyo iyo xilka ka saaran daryeeliddiisa iyo tayaynta adeegsigiisa.
Akadeemiye-Goboleedku waxay hawshan la kaashataa hay`adaha iyo ururrada ka shaqeeya afka, dhaqanka iyo aqoonta, ee ay bahwadaagta yihiin, sida: Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Pen), Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, naadiyada akhriska iyo qoraalka, xarumaha dhaqanka iyo aqoonta ee badiba magaalooyinka waaweyn ka jira, iyo guud ahaanba waxgaradka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxay ku boorrisaa maamullada iyo dawladaha inay kaalin muuqata ka qaataan taabbagelinta xafladaha maalintan caalamiga ah ee afka hooyo. Inkasta oo qaarkood ay xafladaha qaar ka soo qaybgalaan, kana khudbeeyaan, weli kaalintii laga filayay waa la tebayaa, dhinacoodana dhaxan baa ka soo dhacaysa!
Xafladahan iyo kulammadani waxay socdaan muddo toddobaad ah. Waxaa ka soo qaybgala kumanaan qof. Boqolaal kun oo kalena waxay kala socdaan qalabka warbaahinta, sida: telefishannada, idaacadaha, websiteyada iyo baraha bulshada.
Halkudhegga joogtada ah ee xafladaha maalintani waa “U hiilli afkaaga hooyo”; sannadaha qaarkoodna waxaa lagu lammaaniyaa halkudhegyo xambaarsan farriin sannadeed.
U hiillinta afka hooyo waa xil saaran qof kasta, waana qof iyo tabartiis, qof iyo damiirkiis, qof iyo xilkasnimadiis iyo qof iyo kaalintiis. Qofku wuxuu ugu hiillin karaa afkiisa hooyo inuu tayeeyo adeegsigiisa, kobciyana xirfaddiisa qoraal. Waalid kastaa wuxuu ugu hiillin karaa inuu ubadkiisa ku barbaariyo afkiisa hooyo. Arrintan waxaa xil weyni ka sii saaran yahay Soomaalida qurbaha.
Qalinleyda iyo aqoonyahanku waxay ugu hiillin karaan inay qalinkooda ku laylyaan qoraal-curinta toolmoon iyo adeegsiga xirfadaysan ee af Soomaali tayo sare leh.
Hal-abuurka iyo suugaanleydu waxay ugu hiillin karaan in luqadda ay dareenkooda ku soo tebinayaan ay noqoto mid leh dhumuc iyo qoto dheeri la huwiyay farshaxannimo.
Maamullada iyo dawladuhu waxay ugu hiillin karaan inay ka dhigaan afka rasmiga ah ee waxbarashada iyo maamulka xafiisyada, kordhiyaanna kaalinta uu ku leeyahay waxbarashada iyo maamulka ay gacanta ku hayaan.
Qof walowba ugu hiilli afkaaga hooyo kaalintaada iyo karaankaaga!
Xigasho: Warsidaha AGA














