Muddo badan ayaa hay’ado iyo shaqsiyaad ay u guntadeen wacyigelinta bulshada oo ay ku guubaabiyeen sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqanka akhriska iyo qoraalka, siiba intii la rasmiyeeyey farta Soomaaliga sannadkii 1972.

Dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey,geyiga Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, waxaa xilliga Xagaaga ee lagu jiro fasaxa sannad-waxbarasheedkaasi si sannadle ah loo qabtaa carwo-buugeedyo. Waxaa marba marka ka dambeysa soo kordhaya buugta la daabaco iyo weliba magaalooyinka lagu qabto. Badiba waxaa weheliya barnaamijyo ah fan, suugaan iyo arrimo ku saabsan dhaqan iyo aqoon-kordhin.

Marka aad eegto sida ay dhallinyaradu ugu xiran yihiin una xiiseynayaan, marka aad eegto buugta sannad walba sannadka ka dambeeyo soo kordhaya waxaa ku farxad gelinaya tallaabooyinka bulshadani hore ugu sii qaadayso, si ay u noqoto bulsho wax akhrisa oo aqoon leh, waa bulsho wax curisa, bulsho la jaanqaadda dunida horumartay.

Carwo-buugeedyadu waxay kordhinayaan dhaqanka wax akhriska oo dhallinta xiisa u sii yeelanaya. Waxay soo kordhinayaan awoodda akhris-qoraal iyo kartida wax curineed ee bulshada siiba dhallinyarada. Waxay is kaabayaan naadi-akhrisyada badan ee ku sii fidaya degaannada Soomaaliyeed.

Da’yar wiilal iyo gabdhaba leh ayaa waxay u xusullo duubteen in ay soo saaraan buugaag cinwaanno kala duwan leh kana hadlaya qaybaha ay ka mid ka yihiin dhiirrigelinta, suugaanta, sheekooyinka, arrimaha bulshada, sooyaalka iwm.

Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu waxay si joogta ah uga qayb gashaa carwooyinkaas, iyadoo hoggaankeeda iyo hawl-wadeennadeeduba ay hiil iyo hooba la garab istaagaan. Waxay ka qayb galaan doodaha, bandhigga dhiganeyaasha, talabixinta iyo wacyigelintaba.

Sannadkan, Bandhigga Buugaagta Kismaayo (KBF2019) iyo Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta Garoowe (GIBF2019), waxaa ka qayb galay wafdi ballaaran oo ka koobnaa xeeldheerayaal iyo qoraayo, uu horkacayay Guddoomiyaha AGA, Dr Maxamed Daahir Afrax. Carwada Buugaagta Muqdisho (MBF2019) waxaa ka qayb galay xeeldheerayaal iyo qorayaal kala duwan oo uu horkacayay wakiilka AGA ee Yurub mudane Cabdiraxmaan Abtidoon.

Xubnahan Akadeemiye-Goboleedku waxay ka qayb qaateen soo bandhigidda buugta cusub ee sannadkan la qoray. Waxaa ka mid ahaa buugga “Haldoor: Taariikh-nololeedkii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali (1936 – 2014)” oo ah buuggii labaad ee Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida ee ay soo saarto Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga. Waxaa kale oo ka mid ahaa daabacaadda cusub ee qisada “Maana-Faay”  ee uu qoray Dr Maxamed Daahir Afrax.

Shaki la’aan carwo-buugeedyadu waxay galeen kaalin loo baahnaa, waxayna mudan yihiin in la bogaadiyo, lana taageero. Dhinaca kalena, waxaa loo baahan yahay in la sii tayeeyo bandhigyadan, lana xoojiyo kaalinta la siinayo iibsiga buugaagta.

Maadaama ay korortay tirada buugaagta afSoomaaliga ku qoran, waxaa hadda la soo gaarey waqti si weyn loogu baahan yahay in xoogga la saaro tayaynta buugaagta iyo turxaan-bixinta hab-qoraalka. Si gaar ahaaneed waxaa baahi weyn loo qabaa in da’yarta qoraalka bilowday ama bilaabi rabta lala garab istaago wacy-igelin, jahayn iyo tababbar-xirfadeedyo ka caawiya tayaynta wax-soo-saarkooda iyo horumarinta hab-qoraalkooda.

Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaligu, itaalkeed, dadaal badan ayay arrintaas horena uga samaysay walina ku hawl-jirtaa.

“Wixii qoran baa quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay” (Cabdi Sinimoo)

Xigasho: Warsidaha AGA, Tirsigiisa 7-aad