Si kalsooni iyo dhiirranaan leh ayay ugu dhaqaaqday dhankii goobta loogu talo galay inay dadka kala hadasho. Mar kasta oo ay tallaabo qaaddaba daymo ilqoodh ah ayay igu soo eegaysay! Farxad iyo rayn-rayn ayaa i wada saaqday! waxaan ugu abaalguday dhoollacaddayn aan ku sii dhiirrigelinayay.

Markay gaadhay goobtii hadalka, si geesinnimo ku jirto ayay isha ula raacday dadkii tirada badnaa ee isugu yimid munaasabaddan boqran, waxayna bilowday hadalkeedii…

“Waxaan salaamaya cid kasta oo ku sugan madashan kulansatay miiddii iyo labeentii bulshadeenna… waxaan ku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuh. Maanta sharaf wayn ayay ii tahay inay intan oo dadwayne ahi ay igala soo qaybgaleen farxaddayda.

Ugu horaynba waxaan si ballaadhan oo aan hagrasho lahayn ugu mahadcelinayaa hooyadayda sharafta leh, oo igula sugan  madashan. Iyada ayaa sabab u ahayd farxadda maanta iyo guusha aan ku naalloonayo.

Hooyo, waxaan ahaa sebi markaa uun dunida ku soo biiray, waxaan idinku bilaabay oohin, waxaad igu soo dhowayseen dhoollacaddayn.

Inkasta oo aanan ku ildoogsan, Ilaahay haw naxariistee, bidhaanta aabbahay. Anigoon sannadkii koowaad ii buuxsamin ayay tii Alle u timid. Hooyo, adiga ayaa ii buuxiyay kaalintii aabbe iyo taadiiba.

Waxaad dhexda u xidhatay kolkoolintayda iyo koritaankayga, waxaad igu barbaarisay farxad iyo nolol wanaagsan oo dhiirrigelin ii noqday.

 Waxbarashadayda xil dheeraad ah ayaad iska saartay, waxaad igu barbaarisay han iyo hiigsi fog.

Waxaa hubaal ah in aad adigu sabab u ahayd in aan soo gaadho maalintan wayn  ee farxadda leh. Waxaanan marna illoobayn dhibkii aad ila soo martay. Waad mahadsantahay hooyo.”

Waxaa is beddelay jawigii madasha, waxaa is wada taagay dadkii, waxay isku dareen sacab!!

Qadar bay aamustay, intay dhankayga soo jalleecday ayay sii wadatay hadalkeedii:

“Hooyo, la`aantaa ma noqdeen qofkan ku hortaagan ee hambalyada farxaddeeda laysugu yimid. Adiga ayaa hooyo iyo aabboba ii noqday. Mar kastaba adiga ayaa garabkayga taagnaa. Hooyo ii kaalay oo garabkayga soo joogso.”

Mar keliya ayaan is beddelay! waxaan anoo farxad la ilmaynaya tegay agteeda una holladay inaan isku duubo… mar keliya ayaan soo hembeberay anoo fadhiya goobtaydii suuqa!!

Hortayda waxaa taagan inantaydii Ubax ee saaka dugsiga aan u diray. Waxaan ka naxay waxa xilligan iskuulkii ka keenay. Ubax dharkeedii iskuulka ayay xidhan tahay, buugtiina gacanta ayay ku sidataa, wejigeedana murugo ayaa ka muuqata. Waxaan ka gartay inay cabbaar i dul taagnayd!

Iyadoo hoosta eegaysa, ayay cod hoose ku tiri: “Hooyo, iskuulka waa layga soo eryay! Waxaa la i yiri lacagtii bisha keen”!!

Waxaan is weydiiyay halkii aan ka soo amaahan lahaa lacagta dugsiga… Suuqa dhowr bakhaar ayaa dayn laygaga leeyahay… Dukaankii deriskana wejiga ma siin karo oo wuxuu igu leeyahay dayn badan.

Allow sahal ammuuraha!!

 Qalinkii Khadar Cabdi Cabdullaahi