Guddoomiyaha, oo halkaas ku tagey marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay maamulka iyo xarumaha aqoonta ee Jubbaland, waxaa gagida diyaaradaha si aad u diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirro ka tirsan maamulka Jubbaland, sida Wasiirka Dastuurka iyo Federaalaynta, Mudane Axmed Xasan, Madaxda Jaamacadda Kismaayo iyo madaxda ururrada qalinleyda iyo bahda dhaqanka iyo qoraalka sida Dalladda Maan-kulan.
Erayo soo dhaweyn ah ka dib Guddoomiyuhu wuxuu hadal kooban saxaafadda ku siiyey qolka martida (VIP) ee gagida diyaaradaha. Wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Kismaayo muddo dheer ka dib. Wuxuu ka mahad celiyey martiqaadka iyo soo dhaweyntii diirranayd ee reer Jubbaland.
Guddoomiyaha oo hadlakiisa sii wata ayaa tibaaxay maalmaha yar ee uu halkaas joogo in uu Jaamacaddaha iyo bahda aqoonta la wadaagi doono muxaadarado iyo aqoon-wadaag.
Ujeeddooyinka kale ee booqashada Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka iyo wafdigiisa waxaa ka mid ah in la hirgaliyo laan ay AGA ku yeelato Kismaayo iyo in uu reer Jubbaland kala xaajoodo sidii loogu guntan lahaa baraarug lagu horumarinayo dhaqanka, aqoonta iyo AfSoomaaliga.Taasoo looga faaii’deysanyo munaasabadda soo dhow ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, 21ka bishan labaad.
Munaasabaddaas ayaa sannadkan ku soo beegantay go’aan ka soo baxay Golaha loo Dhan yahay ee Qarammada Midoobey oo 1dii bishaan fadhi ku yeeshay New York, kaasi oo ku baaqay in sannadkan loo aqoonsado Sannadka Caalamiga ah ee Afafka Hooyo, halku dhegna looga dhigay “Indigenous Languages matter for development, Peace and Reconciliation’
Akadeemiyada AGA-na iyada oo halku dhegaas ka shidaal-qaadanaysa ayay xafladaha ay ku xusi doonto munaasabaddaas waxay halku dheg uga dhigtay ‘Afka hooyo waa furaha horumarinta iyo heshiisiinta bulshada’.