Maansada laamaheeda kala geddisan sida: gabayga, guurowga, geeraarka, jiiftada, buraanburka, saarka, iyo haltirinnada kale Jaad-tixeed waliba wuxuu leeyahay miisaan u gaar ah, oo ka baadi sooca qaybaha kale.
Guud ahaan miisaanka maansada waxaa gundhig u ah tirinta shaqallada. Haltirin waliba waxay ku soohantaa shaqallo go’an oo laysla ogyahay tiradooda. Sidaa daraadeed, jaad tixeed waliba miisaankiisu wuxuu ku xiran yahay hadba tirada shaqallada uu ku soohmo halbeegga maansoobidiisa.
Miisaanka Beydka Gabayga. Beydka gabayga waxaa looga baahan yahay inuu ku dhisnaado 20 ama 21 shaqal. Wixii tiro intaa ka yar ama ka badan lehna ma noqon karaan meeris gabay oo quman. Tusaale ahaan aan u soo qaadanno dhowr meeris oo gabayo ka geddisan ku jira.
Waa i-din-da-gaa-yaa kuf-ri-ga, aad u dab-cey-saa-ne
Wal-lee i-na ra-gow ta-la ad-duun, taa-da uun ma a-ha
(Qamaan Bulxan)
Halkaa waxaa innoogu caddaaday in tirada shaqallada looga baahan yahay meeriska gabayga 20 ama 21 shaqal. Haddaba, gabayga aan miisaameyno beydadkiisu haddii ay ku salaysnaan waayaan jaangooyada tirada shaqallada looga baahan yahay meeriskiisa, waxaa innoo caddaanaysa in aanu gabay ahayn oo uu yahay jaad tixeed kale.
Miisaanka baydka buraanburka. Buraanburku waa jaad tixeed ka mid ah maansada, waxaana caan ku ah inta badan tirintiisa dumarka. Meeriska buraanburku wuxuu ka kooban yahay laba dhud oo kala dheer. Dhudda hore waa 10 shaqal, dhudda dambena waa 8 shaqal, Mar mar dhif ah ayaa dhudda hore 11 shaqal noqotaa.
Tusaaleyaal aan soo qaadano:
Ga-ba-dhu waa Faa-du-moo, wiilka waa Maxamed
In-taa-daan cad-daan ca-biid, baanu wada aheyn
Socdaal kii jiray Soo-, maa-li kii maq-naa
Calool nugulaa carruur-, tay-da aab-ba-hood.
Haddaba isku soo wada duuboo guud ahaan haltiirinnada maansada laamaha kale ee harey, jaad tixeed waliba wuxuu leeyahay miisaan u gooniya oo uu kaga soocan yahay badaha kale ee maansada. Tusaale ahaan sida aan ku soo arragney gabayga iyo buraanburka ee aan soo faahfaahinay ayaad ka tiixraaci kartaa jaadadka kale ee maansada.