Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Saciid Saalax ayaa isagoo ku hadlayo magaca Akademiyada iyo magaciisa, wuxuu dhambaal tacsi ah u direy ehelladii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Boobe Yuusuf Ducaale oo maanta oo ku beegan 13/11/2026, ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

“Innaa lillaahi, wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo bahda uu ka baxay Allaha u naxariistee, Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa bahda qoraalka, afka, dhaqanka & taariikhda” ayuu yiri guddoomiye Macallin Saciid Saalax.

Guddoomiye Macallin Saciid Saalax ayaa marxuumka, Alle uga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka geeriyoodayna inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee marxuum Boobe Yuusuf, waxa uu ahaa ruugcaddaa aqoonyahan ah, qoraa iyo taariikhyahan caan ah, wuxuuna shacbigiisa uga tagay dhaxal ballaaran.

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎