Bandhig sannadeedkii 11aad ee buugta ayaa London ka qabsoomay galabnimadii axadda ee 8/11/ 2026. Bandhigga oo sannad walba ay soo qabanqaabiyaan laamaha AGA iyo SSPEN ee dalka ingiriiska ayaa si aad u qurux badan u qabsoomay.

Mas’uiliyiin & dadweyne aad u fara badan ayaa ka soo qeybgalay, iyadoo madaxdii bandhigga ka soo qaybgashay ay halkaasi ka soo jeediyeen hadallo isugu jiray hambalyo iyo dhiirrigelin, iyagoo bogaadiyay hay’adihii soo qabanqaabiyay bandhigga.

Kow iyo toban qoraa ayaa ku soo bandhigay buugaag mowduucyo kala duwan ka hadlayey, qaar ka mid ah qorayaasha ayaa soo bandhigay buuggoodii ugu horreeyey oo ay soo saareen sannadkan aan ku jirno, halka kuwa kalana ay horay u soo saareen buugaag dhowr ah, waxayna isugu jireen buugta carruurta loogu tala galay, taariikh, suugaan, waxbarasho, cilmiga bulshada iyo weliba sheeka-faneed.

Bandhig-buugeedkan sannadlaha ah ee lagu qabto magaalada London ayaa markiisii hore qabanqaabada waxaa lahaa jiray Naadiga Qalinleyda iyo Halabuurka Soomaaliyeed ee Somali PEN, kaddibna Akademiyada AGA iyo SSPEN ayaa is wada jir ah u wada qabanayey.

W/Diyaariyay: Cabdiraxmaan Abtidoon