Shalay oo ku beegneyd, 3-da November 2026, Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga iyo Kulliyadda Suugaanta iyo afafka ee Jaamacadda Ouargla (Aljeeriya) ayaa yeeshay kulan fogaan arag ah oo looga hadlayay heshiis iskaashi oo dhexmara labada hay’adood.

Akademiyada, waxaa kulanka ku matalay:

  • Guddoomiye kuxigeenka, Mudane Ismaaciil Cabdi Axmed
  • Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Xuseen Maxamed Cabdullaahi (Wadaad)
  • Barasare Cabdalla Cumar Mansuur
  • Mudane Cabdiwali Maxamed Sheekh Cumar

Kulliyadda Suugaanta iyo Afafka ee Jaamacadda Ouargla (Aljeeriya), waxaa kulanka uga qaybgalay khubarada Guddiga iskaashiga Caalamiga ee kala ah:

  • Dr. Abdelkader Bekaider, oo matalayay Hormuudka Kulliyada
  • Dr. Samira Sayah Al-Mubarak, kuxigeenka hormuudka ee arrimaha waxbarashada
  • Dr. Ahlam Ben Cheikh, oo ka socotay Qaybta Suugaanta iyo af Carabiga
  • Dr. Djamel Goui, oo ka socday Qaybta Turjumaadda
  • Dr. Djelloul Bourahla, oo ka socday Qaybta Afka iyo Suugaanta Ingiriisiga

Kulanka, waxaa diiradda lagu saaray suurtagalnimada tababarro loogu talagalay shaqaalaha Waaxda Turjumaadda iyo Ereybixinta ee AGA, horumarinta ilaha qaamuuseed ee dijitaalka ah iyo keydka qoraallada Soomaaliga, si loo helo qaamuusyo cusub oo casri ah iyo diyaarinta qaamuus Carabi–Soomaali ah.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay suurtagalnimada in Majallada Jaamacadda lagu daabaco cilmibaarisyo xoogga saaraya xiriirka Carabiga iyo Soomaaliga iyo daraasaadka Bariga.