Kulan looga hadlayay xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka adduunka oo ku astaysan 8-da Sebtembar 2026, ayna ka soo qaybgaleen guddoonka AGA iyo maamulka Midowga Dugsiyada G/Banaadir ayaa ka dhacay xafiiska Midowga ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayey guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa xarunta Midowga Dugsiyada, waxaa ku soo dhaweeyey guddoomiyaha Midowga Dugsiyada G/Banaadir Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xasan.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta AGA iyo Midowga Dugsiyada, xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka adduunka, dhiirrigilinta iyo horumarinta fanka akhris-qoraalka iyo qodobbo kale oo muhiim ah.