Arday ka socota kulliyadda af Soomaaliga iyo suugaanta ee jaamacadda Green Hope ayaa 25/7/2026, waxay booqasho aqoonkororsi ah ay ku yimaadeen xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Madaxa waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo qaabilay ardaydaasi ayaa uga warbixiyay hawlaha ay u xilsaaran tahay Akademiyada, wuxuuna si faahfaahsan ula wadaagay muhiimmadda uu af Soomaaliga u leeyahay ummadda Soomaaliyeed, isagoo ardaydaasi kula dardaarmay inay dadaalkooda waxbarashada af Soomaaliga ay halkiisa ka sii ambaqaadaan.
Gunaanadkii kulankaasi ayaa ardaydu, waxay halkaasi ka caddeeyeen inay ka mahadnaqayaan sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay xarunta AGA iyo kulankii qiimaha badnaa ee ay la yeesheen Barasare Cabadlla Mansuur.