Muxaadaro looga hadlayay ππͺπ¨π¨π§ππ ππππ₯π’π²ππππ π’π²π¨ ππππ«ππ²π§ππ ππ‘ππͺπππ₯ππ‘π, uuna soo qabanqaabiyay nππππ’π π aπ€π‘π«π’π¬π€π iyo qoraalka πππ₯π’π§πͺπ¨π²ππ§ ayaa shalay oo ku beegneyd 22/7/2026, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Muxaadaradaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, xeeldheerayaal, maskaxmaal, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha dalka, waxaana soo jeedinayay ππ«. πππ¦π³π ππππ’π’π.
Aqoonyahankii soo jeedinayay muxaadaradaasi ayaa caddeeyay inuu jahligu yahay udub-dhexaadka aafooyinka bulshada, wuxuuna iftiimiyay in aqoonta dhabta ah ay tahay midda dadka lala wadaago.
ππ«. πππ¦π³π ππππ’π’π oo sharraxaada casharkiisa sii wata ayaa hoosta laga xarriiqay in lacagtu aysan qofka beddelin, balse ay bannaanka keento asalkiisa dhabta ah, haddii uu yahay qof wanaagsan iyo haddii uu kibir badan yahay, isagoo si faahfaahsan u qeexay farqiga u dhexeeya ‘ππππ‘π’ππ’ iyo ‘ππππ’ππππ§π€π.
Gabagabadii muxaadaradaasi, waxaa ka hadlay guddoomiyaha naadiga Qalinqoyan Ismaaciil Cabdullaahi Mrk, wuxuuna u mahadceliyey ππ«. πππ¦π³π ππππ’π’π iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashii kulankan aqooneedkaasi qiimaha badan.















