Tababbarkii ku saabsanaa “Habdhigaalka Af Soomaaliga”, ayna ka qaybqaadanayeen hawlwadeenno ka kala socday madbacadaha Muqdisho, qorayaal, ardayda jaamacadaha & naadiyada akhriska & qoraalka ayaa 19/7/2026, waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Tababbarkaasi oo soo bilowday 12/7/2026, waxaa loogu talaggalay kor u qaadida aqoonta xagga qoraalka farta Soomaaliga, waxaana ka faa’iidaystay in ku dhaw afartameeyo xubnood.
Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinayay tababbarka ayaa gunaanadkii tababbarkaas kula dardaarmay xubnihii ka faa’iidaystay in aqoontii la siiyay ay gaarsiiyaan walaalaha kale ee aan fursadaasi oo kale helin.
Tababbarkaasi ayaa qayb ka ahaa tababbarro baahan oo Akademiya Goboleedka AGA ay ugu talaggashay in sare loogu qaado aqoonta xagga habdhigaaka af Soomaaliga ee qaybha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.