Tababbar ku saabsan “Habdhigaalka Af Soomaaliga” ayna ka soo qaybgaleen xubno ka kala socday madbacadaha Muqdisho, qorayaal, ardayda jaamacadaha & naadiyada akhriska & qoraalka ayaa maanta oo ku beegan 12/7/2026, wuxuu ka furmay xarunta Akademiyada AGA ee magaalada Muqdisho.
Maamulaha maktabadda Akademiya Goboleedka Maxamedwali Shiikh Cabdirashiid & madaxa tababbarrada AGA Macallin C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka) oo ka hadlay furitaankii tababbarkaas ayaa sheegay in tababbarkaan loogu talaggalay in sare loogu qaado aqoonta xagga qoraalka farta Soomaaliga ee madbacadaha Muqdisho, iyagoo caddeeyay in tababbarkaan uu qayb ka yahay tababbarro baahsan oo Akademiyadu ay ugu talaggashay sidii loo heli lahaa habdhigaal midaysan oo ku aaddan qoraalka farta Soomaaliga.
Intaasi kaddib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxa Waaxda Naxwaha ee Akademiya Goboleedka, ahna macallinkii bixinayay tababbarka Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo si faahfaahsan ka qaybgalayaasha ula wadaagay casharkii “Habdhigaalka Af Soomaaliga”
Qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii tababbarka ayaa Barsare Mansuur waydiiyay su’aallo kala duwan, kuwaasi oo uu uga jawaabay.
















