Safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Col. Cimaan Dubbad Sugulle ayaa 25/5/2026, waxa uu xarunta safaaradda Jabuuti ee magaalada Muqdisho uu kulan gaar ah, kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Kulankaasi oo ku saabsanaa hambalyo, soo dhaweyn iyo  isbarasho ayaa dhinaca Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, waxaa uga qaybgalay mas’uuliyiinta kala ah Barasare Cabdalla Cumar Masnuur, Prof Mustaf C/llaahi Cali (Fayruus), Cabdulqaadir Cabdi Axmed (Jubba) iyo Maxamedwali Shiikh Cabdirashiid.

Danjire Cismaan Dubbad oo  kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada ay ugu yimaadeen mas’uuliyiinta Akadenmiyada, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay la shaqaynta Akademiya Goboleedka, maadaama ay dawladiisu ka mid tahay dawladaha ku bahoobay dhismaha AGA, isagoo dhanka kale ballanqaaday inuu dhawaan soo booqan doono xarunta dhexe ee Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

“Waxaad haysaan shaqo dhaxal ummadeed ah, waannu idiin ognahay hawsha adag ee aad haysaan, waana idinkugu ducaynaynaa. Shaqada aad haysaan dad gaar ah oo Ilaahay u diray ayaa ka shaqeeya, nin waliba waa raacato, hawl ummadda iyo jiilka berri dhaxlayaan ayaad ka shaqaynaysaan, dadka kalase caruurtooda ayaa dhaxlaysa. Ilaahay dadaalkiinna ha barakeeyo, wixii awood iyo tabar ah waan idinku caawinaynaa, waana idin garabtaagan nahay, inaan hawlkastaa idinkala qaybqaadanno waajibaadkeenna ayaa na faraya” ayuu yiri Danjire Col. Cusmaan Dubbad Sugulle

Barasare Cabdalla Mansuur iyo Prof. Mustaf Fayruus oo ku hadlayay magaca Akademiya Goboleedka ayaa sheegay booqashadoodu inay la xiriirto salaan, hambalyo iyo isbarasho, waxayna safiirka cusub uga warbixiyeen taariikhda, waxqabadka iyo rugaha ay Akademiyadu ku leedahay dalalka geeska Afrika oo Jabuuti ay ka mid tahay, iyagoo dhanka kale safiirka la wadaagay salaan iyo bogaadin ay uga sideen guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed iyo kuxigeennadiisa.

Kulankaasi ayaa ku soo gabaggaboobay jawi aad u wanaagsan.