Aqoonkororsi looga hadlayay “Miisaanka Maansada iyo Xeerarka Tusmaynta Meeriska” ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahanno ka kala socday Akademiya Goboleedka AGA, Akademiyada Cilmiga iyo Dhaqanka, naadiga Somali Pen, xeeldheerayaal, abwaanno, qorayaal iyo ardayda jaamacadaha waddanka qaarkood ayaa maanta oo ku beegan 18 May 2026, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadii furitaanka aqoonkororsigaasi, waxaa ka hadlay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo soo dhoweeyay martida iyo aqoonyahannadii ka qaybgalay aqoonkororsigaasi, wuxuuna si qoto dheer u iftiimiyay muhiimmadda ay leedahay in la barto miisaanka maansada, isagoo xusay inuu ka mid yahay mowduuyada ugu muhiimsan ee suugaanta Soomaaliyeed.

Intaas kaddib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Md. Mustafa Fayruus oo ahaa macallinkii soo jeedinayay casharka, wuxuuna si cilmiyaysan u sharraxay:
• Tirada shaqallada meeriska .
• Tirada allannada meeriska iyo shaqaldheerayaasha.
• Habka taxanaha allannada.

Qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha aqoonkororsigaasi ayaa fursad u helay inay macallinkii casharka weydiiyaan su’aalo muhiim ah, kuwaas oo sii ballaariyay fahamka mowduuca la falanqaynayay.

Aqoonkororsigaasi oo qayb ka ah barnaamijyo isdabajoog ah oo ay Akademiyadu ugu talaggashay kor u qaadista iyo iftiiminta qiimaha suugaanta Soomaaliyeed ayaa waxaa la soo gunaanadi doono maalinta Khamiista oo taariikhduna ay tahay 21/05/2026.