Kulan looga wadhadlayay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo kulliyadda afafka ee jaamacadda Gothenburg ee waddanka Sweden ayaa shalay oo ku beegneyd 6/9/2025, waxa uu ka dhacay magaalada Gothenburg.

Kulankaasi ayaa dhanka Akademiyada, waxaa uga qaybgalay mas’uuliyiin uu hoggaminayay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed, halka uu dhanka jaamacadda Gothenburg uu matalayay Mr. Morgan Nilson oo ka mid ah madaxda kulliyadda afafka ee jaamacadaas.

Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay dadaalka ay Akademiyadu ugu jirto sidii uu af Soomaaliga ugu soo laaban lahaa meeqaamkii uu ku dhex lahaa ummaddiisa, isagoo caddeeyay inay Akademiyadu ka go’an tahay hiilka, daryeelka noolaynta iyo xoojinta af Soomaaliga oo ah waajib ay u xil saaran tahay.

Mr. Morgan Nilson oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Macallin Saciid iyo mas’uulyiinta kale ee la socotay, wuxuuna ka hadlay sida ay kulliyadda afafka ee jaamacadda Gothenburg ugu guulaysatay in laga dhigto maaddo lagu barto af Soomaaliga, isagoo ka codsadey Akademiyadu inay gacan ka siiso sidii loo sii horumarin lahaa maadadaas la xiriirta af Soomaaliga ee lagu barto kulliyadda afafka ee jaamacadda Gothenburg.

Ugu dambayntii, madaxda labada dhinac, waxay isku afgarteen in la joogteeyo kulamada caynkaan oo kale ah, isla markaana la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dhinac oo ku saabsan xoojinta af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed.