Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa 30/8/2025, waxa uu ka qaybgalay munaasabad aad u ballaaran oo loogu talaggalay dhaqangalinta saxiixa Dijitaalka, taasoo lagu qabtay hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaanno, guddoomiyayaal, maareeyayaal, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, khubarro iyo marti sharaf kale, waxaana soo qabanqaabiyay xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Ujeeddada munaasabadda ayaa ahayd in si rasmi ah loogu dhawaaqo dhaqangelinta nidaamka casriga ah ee “Saxiixa Dijitaalka”, sidoo kale, munaaasabadda waxay ku saabsaneyd sidii caalamka loogu wargelin lahaa horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinaca nidaamka maareynta maaliyadda guud.

 Dhaqangelinta saxiixa Dijitaalka, waxay fure u tahay hufnaan, isla xisaabtan iyo kalsooni dheeraad ah oo lagu qabo nidaamka maaliyadeed ee dowladda.