Guddoonka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Akademiyada iyo Kuxigeennadiisa Macallin Saciid Saalax Axmed, Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad), Dr. Cabdinaasir Ibraahim iyo Md, Ismaaciil Cabdi ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay agaasimaha kaydka iyo warsidaha AGA Axmed Maxamuud Dhicisow (Yaanyo), oo dhammeeyay waxbarashada heerka labaad ee jaamacadda Kesmonds International University (KIU), oo uu ka bartay maamulka iyo maareynta, taasoo iskaashi waxbarasho la leh jaamacadda Green Hope ee Soomaaliya.

Macallin Saciid Saalax iyo mas’uuliyiinta kale ee guddoonka Akademiyada ayaa sheegay inuu agaasime Dhicisow yahay mas’uul daacad ah oo dadaal badan, iyaga oo u rajeeyay aqoonta uu bartay inay u noqoto mid naftiisa anfacda, oo uu uga faa’iideeyo dadkiisa iyo dalkiisa.

Sidoo kale, Kusimaha guddoomiyaha Akademiyada Barasare Cabdalla Cumar Mansuur iyo hawlwadeennada kale ee xarunta dhexe ee Akademiyada ayaa agaasimaha kaydka iyo warsidaha AGA Axmed Maxamuud Dhicisow (Yaanyo), ku bogaadiyay guusha uu ka gaaray dhanka waxbarashada, iyagoo caddeeyay inay ku faraxsan yihiin qaadashada agaasime Dhicisow ee shaahadada Master Degree.

Horey ayaa sannadkii 2023-kii, wuxuu agaasime Dhicisow nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo ardaydii ka qalinjebisay Jaamacadda Green Hope ee baratay cilmiga Af Soomaaliga iyo Suugaantiisa.

Ustaad Dhicisow oo ah akhyaar bisil oo qunyar socod ah ayaa waxaa lagu naanaysaa waayeelka warbaahinta Soomaaliyeed, waa qalinmaal qoray in ka badan 20 buug, waa qoraagii buugga Gool, waana rugcaddaa saxaafadeed oo ka soo shaqeeyay in ka badan 10 Wargeys, sidoo kale, waa guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda naadiga Qalinmaalka Soomaaliyeed ee Somali Pen Muqdisho,