Kulan aqooneed loogu talaggalay in lagu soo bandhigo cilmibaaris ku saabsan “Naxwaha Af Soomaaliga”, ayna ka soo qaybgaleen madax ka socotay Akademiya Goboleedka, Akademiyada Cilmiga iyo Dhaqanka, naadiga qalinlayda Somali Pen, aqoonyahanno, maskaxmaal iyo marti sharaf kale, ayaa maanta oo ku beegan 28/8/2024, waxaa lagu qabtay xarunta Akademiya Goboleedka Af Sooomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii furitaanka cilmibaaristaasi, waxaa ka hadlay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo sheegay cilmibaarista maanta la soo bandhigayo inay qayb ka tahay hawlaha Akademiya Goboleedka, wuxuuna iftiimiyay muhiimmadda ay cilmibaarsitu u leedahay horumarinta af Soomaaliga, isagoo u mahadnaqay madaxa tarjumaadda iyo ereybixinta AGA oo soo diyaariyay Cilmibaaristaasi.
Intaasi kaddib, waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay madaxa tarjumaadda iyo ereybixinta AGA Cabdiweli Maxamed Shiikh Cumar oo ahaa soo diyaariyihii iyo soo jeediyihii cilmibaaristaasi, wuxuuna halkaasi si faahfaahsan ugu soo bandhigay cilmibaaristiisa oo ku saabsaneyd Naxwaha af Soomaaliga, isagoo si la jecleystay u soo gudbiyay cilmibaaristaasi qiimaha lahayd.
“Ereybixinta naxwaha af Soomaaliga, waxaa ka jira jahawareer, sidaasi daraadeed waxaa loo baahanyahay in la mideeyo, lana horumariyo ereybixinta naxwaha af Soomaaliga” ayuu yiri aqoonyahan Cabdiweli oo halkaasi ku soo bandhigay ereybixinnadii ay sameeyeen Barasare Cabdalla Mansuur, Xaaji Raabbi iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad.
Ugu dambayntii, madaxa tarjumaadda iyo ereybixinta AGA, wuxuu u mahadnaqay aqoonyannadii horey u sameeyay ereybixnnadda iminka la hayo, wuxuuna ku baaqay in dib loo saxo, wax kasta oo daldaloollo ah oo ku jira ereybixnnadaas,.
Qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka soo qaybgalay bandhigga cilmibaaristaasi ayaa sheegay inay wax badan ka korosadeen cilmibaaristaasi, iyaga oo dhanka kalana halkaasi su’aalo ku weyddiiyay aqoonyahan Cabdiweli,oo isna uga jawaabay.