Tababbar in muddo ah u socday macallimiinta dugsiyadda G/Banaadir, ayna soo qabanqaabisay Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga ayaa shalay oo ku beegeyd 23/2/2023, waxaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii xiritaanka tababbarkaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax ka kala socotay Akademiyada AGA, agaasinka waxbarashada G/Banaadir, maamulka dugsiyadda gaarka loo leeyahay, maamulayaal iskuullo, macallimiin iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha horumarinta adeegga waxbarashada ee agaasinka waxbarashada G/Banaadir Maxamed Cabdi Cujub oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo tababbarkaasi ay ka faa’iidaysteen in ku dhaw 643 macallin, waxaana uu umahadnaqay Akademiyada AGA oo isku soo duwday tababbarkaasi.
Guddoomiyaha KMG ah ee Akademiye Goboleedka Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo soo gabagabeeyay tababbarkaasi ayaa sheegay in tababbarkaas loo qabtay shan dufcadood oo ka tirsan macallimiinta dugsiyadda G/Banaadir, waxaan uu caddeeyay in tababbarada noocaan oo kale ah ay sii wadi doonaan, isaga oo macallimiintii qaatay tababbarkaasi kula dardaarmay inay hiil u noqdaan afka Soomaaliga.
Gabagabadii waxaa halkaasi macallimiintii uu tababbarka u soo xirmay lagu guddoonsiiyay shahaadoooyin caddeynaya tababbarka ay qaateen.