Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa maanta oo ku beegan 9/6/2025, waxa uu xaqiijiyey in arday gaaraysa 41,639 ay saakay u fariisteen imtixaanka dugsiyada dhexe ee G/Banaadir, isagoo intaasi raaciyay in imtixaankaasi lagu qabanayo 108 xarumood oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho  Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada dhexe ayaa sheegay inuu kor u qaadi doono tirada iyo tayada waxbarashada Gobolka Banaadir, si ay ardeyda u helaan waxbarasho tayo leh, isigoo dhinaca kale xusay inuu kordhin doonno helitaanka waxbarasho lacag la’aan ah,

Imtixaankan oo muhiim u ah horumarka waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed ayaa ah sannadkii 6-aad, oo uu maamulka Gobolka Banaadir, si madaxbanaan u qaadayo Imtixaankaas.

Horey ayaa kormeerayaasha imtixaankan, waxaa kulan wacyigilin ah loogu qabtay xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), taariikhdu markay aheyd 4/6/2025. Kulankasi oo loogu talaggalay in kor loogu qaado tayada kormeerayaasha dugsiyada G/Banaadir ee sannad dugsiyeedka 2024–2025.