Xaflad lagu maamuusayay xuska 21 Febraayo oo ku astaysan Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Somali Pen iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shalay oo ku beegneyd 21/2/2022, waxaa lagu qabtay dugsiga sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo.

Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee magaalada Gaalkacyo Burhaan Axmed Daahir oo furitaankii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida uu ku yimid xuska 21 Febraayo, waxaana uu caddeeyay in qabashada xuska afka hooyo looga gol leeyhay sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa hadba halka ay joogaan afafka adduunka looga hadlo.

“Munaasabaddaan waxa ay kulmisaa laba munaasabaddood oo isa saaran, mid waxaa weeye xuska 21 Febraayo, midda kalana waa Konton-guurada maalintii la qorey farta Soomaaliga, walaalayaal xil gaar ah ayaa naga saaran ilaalinta afkeenna hooyo, inkasta oo afka Soomaaliga lagu darey afafka laga cabsi qabo in ay suulaan ayaa haddana waxaa nasiib-wanaag ah in sannadihii ugu dambeeyay ay socdaan ololayaal iyo dadaallo lagu xoojinaayo daryeelka iyo ilaalinta afka Soomaaliga” ayuu yiri Burhaan Daahir oo sheegay haddii uu afku lumo in ay la lumayaan waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqanka, taariikhda, iwm.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Burhaan Maxamed Cabdi oo ka socday Wasaaradda  Warfaafinta Puntland, waxaana uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Soomaalidu wada ilaashato afkeeda, dhaqankeeda iyo taariikhdeeda, isaga oo bulshada ku guubaabiyay nooleynta afka Soomaaliga maadaama uu yahay sheyga ugu muhiimsan ee muujinayo jiritaanka Soomaalinimada.

Gabagabadii, waxaa halkaasi ka hadlay Axmed Huruuse Xaashi oo ka tirsan Guddoonka Waxbarashada G/Mudug, waxaana uu caddeeyay in ay Wasaaradda Waxbarashadu  gacanta ku hayso manhaj ku baxayo afka Soomaaliga, isaga oo dhanka kalana ka codsadey dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalllinyaradu  in ay iska saxaan qoraallada ay qorayaan.

Munaasabaddaasi ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhiggay suugaan iyo buugaag qeyb ka aheyd xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo.