Munaasabad loogu tala-galay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, ayna  soo qaban-qaabiyeen  Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland, hay’adda cilmibaarista Puntland (PDRC) iyo bah-wadaagta kala ah Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Naadiga Somali PEN ayaa 21 Febraayo 2022, waxaa lagu qabtay magaalada Garoowe.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland Md, Cabdi-fitaax Nuur Ashkir oo furitaankii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu guud-ahaan ummadaha caalamka, gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed uu ugu hambalyeeynayo xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, isaga iftiimiyay in halis badan ay ku soo fool leedahay afka Soomaaliga.

“Afka Soomaaliga dhawristiisa qof walba waajib ayaa ka saaran, si loo badbaadiyo afkeenna hooyo waxaa lagama maarmaan ah in si ficil ah  loogu shaqeeyo, haddey ahaan laheyd Maamullka, Waxbarashada iyo Warbaahinta  iyada oo wax kasta oo la qorayo ay waajib tahay in lagu baahiyo af Soomaali” ayuu yiri  Wasiir Ashkir oo u soo jeediyay bulshada in ay adeegsato afkooda hooyo halkii  ay ka isticmaali lahaayeen afaf qalaad.

Wasiiru-dawlaha Wasaradda Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ku hawlan tahay sidii afka Soomaaliga loogu ilaalin lahaa goobaha waxbarashada, waxaana uu tilmaamay in ay Puntland ka go’an tahay ku dhaqanka xeerka ilaalinta afka Soomaaliga, isaga oo codsadey in xil gaar ah la iska saaro daryeelka afkeenna hooyo.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dawladda Federaalka Md, Cabdi Faarax Juxaa, madax ka socotay xarunta PDRC iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo soo dhaweeyay xuska maalinta afka hooyo, iyaga  oo ku cel-celiay in loo wada dhaqaaqo sidii loo nooleyn lahaa afka Soomaaliga.