Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayay Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanataysaysa. Hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheedoo raynrayn la hodantay.
Iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayay aragtay muug ka soo leexday waddada soona aaday dhankeeda. Wajigiisa ku soo dhawaaday garatay inuu yahay Liibaan. ‘Waqti aan kuu baahnaa baa timid.’ ‘Waa inaan ka hadlaa caawa, guuxa laabtayda.’ Uurkay ka wada hadleen. Indhahay iska salaameen. Liibaan ayayse eegmadu cuslaysay. Labada gacan ayuu isku maraamaray isagoo taagan. Eegmadeedaa ka kala daadisay hadalladuu isku soo aadistay. “Waan ku jeclahay!” ayuu yiri arar la’aan isagoo ogaal maqan. Waa sii watay, isagoo markan xoog dareemay. “Waqti dheer ayay igu qaadatay inaan iraahdo hadalkan. Daqiiqad waliba fikirkaaga ayaa ii diidayay inaan ka hadlo dareenkayga.”
Iyadoo dhinac isku janjeerinaysa ayay ka durugtay, meel u fariistana u bannaysay. “Ma maqashay hadalkayga? Waxaan ku iri, waan ku jeclahay.” ayuu weydiiyay markuu fariistay. Hani waxay sii wadatay hawaawiga riyada. Aamusnaanteeduu dareensaday.
“Ii warran?” ayay tiri iyadoon soo eegin. “Waan kuu xiisay.” ayuu ku nabdaadiyay isagoo shakisan. Si laba-labayn ah ayuu u eegay, oo dhawr mar hadalka hakiyay. Eegmada wajigeeda welwelka la’ ayuu ku il-doogsaday.
Labadooda, midna ma garanayo meelay ka bilaabatay isi-soo-jiidashadan. Intay eegtay ka jeesatay iyadoo dhoollacaddaynaysa. Ma isagay u muusootay mise nafteeda. Laba sana iyo dheeraad ayay bilba bil ku ballaminaysay inuu soo gaaro halkan. Hanina sanadahaas xusuus iyo xanuun bay uga soo kabatay xiriir fashilmay, tagaabada iyo taageerada Liibaan. Qalbiyadooda iskumay warheyn.
“Waxaan u baahanahay caddayn.” ayay u tiri si deggan.
“Caddayn maxay ah!” ayuu lahawareer weyddiiyay.
“Maxaa caddaynaya inaad i jeceshahay?”
“………………..” Irkig iyo anfariir buu la aamuusay.
“Horay waa laygu yiri, waan ku jeclahay, dhibkii i soo gaarayna cid kaaga ogaal badan ma jirto.”
Iyadoo og ra’yiguu ka qabay taariihkdeedii, inay tiraahdo hadalkan ayuu ka gubtay. Inay is garab dhigto isagoo si walba ugu gacan ahaa dhibkii gaaray iyo nin uga dhaqaaqay wadda dhexdeeda ayaa la ahaan weysay.
“Sideed isku miisaan u saartay, nin boggaaga dhaawacay iyo kii boogtaada dhayay!” ayuu ku yiri luqad aysan ka marnayn xanaaq iyo xanuun.
“Dammaanad ayaan u baahanahay.” ayay kula asaraartay.
Dooddeeduu ka gidaaday. Markuu eegaba baraad la’aan bay eegtaa. Tamartuu ku raadinayay inuu isku difaaco ama ku caddeeyo rabitaankiisa ayuu ku dhex cara qarxay. Mar quruu karaarka jabiyay. “Waxaa la yiri ‘dumarka waligoodba waxay jecelyihiin ninka u daran. “Waa dhaqan doqonnimo ah oo caada idiin ah. Muxuu garaadkiisu u tarayaa ruuxa, haddii uusan u kala sooci karin, wax u daran iyo wax u dana? Maya! Haddii aad is barbar dhigayso nin ku dilay, oo dhib mooyee aadan kala kulmin wax kale iyo mid ku taamaya saacad kasta siduu kugu hanan lahaa, waa nasiibdarro! Sideen u caddeeyaa inaan ku jeclahay? Ma inaan nafta kuu gooyo, si aad u hubsato inaan ku jeclahay anna taariikhda u galo?” halkaas buu ku neefsaday.
“Liibaan?” ayay tiri, iyadoo eegaysa wajigiisa dareenka la diihaalowbay ee dayaxa soo baxaya ka dhex muuqanaya.
Markuu neef qaatay ayuu rakaaday doodda. “Waxaad iga doonayso waa maxay? Maxaa iga doonaysaa ii sheeg? Maxaa ka garanaysaa wax……………….!”
“Anigaba waan ku jeclahay.” ayay uga naxsatay iyadoo gacanteeda ku soo qabanaysa tiisa laaban ee naxdinta la qabowday. Hadalkeeduu ka faranaxay.
“Ku-ku celi.”
Waan ku jeclahay.”
“………………………..!”
“Haddii aad ogaan lahayd sidaan kuu jeclahay Liibaan”.
“Maxaa tiri!”
“Aad baan kuu jeclahay.”
“………………….” degganaanteedaa sii ashqaraarisay.
Haddii aadan i dhihi lahayna, anigaa ku dhihi lahaa. Laakiin, laakiin haddii aad iiga hormatay, waxay rahan u tahay xiriirkeenna mustaqbalka.
“Waxaa u caddaatay Liibaan, inay Hani ku jeclaatay aqligeeda ka hor qalbigeeda. Eegmadeeduu laba jeclaaday. Waa sii fiiriyay fiira dheer.
“Waan ku jeclahay.” ayay uga jawaabtay eegmadiisa kalgacalaysan.
Waa qoslay, ilmeeyay oo aamusay. Hadalkeeday ku celcelisay hawada maqalka dhegtiisa.
‘Waan ku jeclahay…ku Jeclahay… jeclahay… lahay… hay….
Ololka naftiisuu laabta ka higgaadshay. “J..a..c..a..y..l.”
W/ Q:-
Saynab Xaaji Axmed “Ugbaad”