W/Q: Maxamed D. Afrax

Xorriyo waxay soo if-baxday horraantii 1980kii. Waxay ahayd tii ugu magac dheerayd riwaayadihii sannadkaas soo baxay. Waxaa soo bandhigtay kooxdii Hoballada Waaberi, hormuudkii fanka Soomaaliyeed ee berigaas. Waxaa isugu tagey dhawr iyo labaatan jilaa oo wada caan ah. Waxaa safka hore kaga jirey Saado Cali Warsame (Xorriyo), Faynuus Shiikh Daahir (Gardarro), Maxamed Axmed Kuluc (Gama‟diid), Cabdi Cali Baacalwaan (Sulub), Xaawo Caaji (Saxarla‟), Saalax Qaasim Naaji (Sama-wade), Maxamed Cumar Huryo (Afdhabaandhab), Faarax Guuleed (Sibra-gooye), Cumar Rooraaye (Horseed) iyo mu‟allifka riwaayadda, Sangub, oo qudhiisu jilitaanka qayb libaax ka qaatay, sida caadada u ah badi mu‟allifiinta masraxa Soomaalida.

Halkii ugu horreysey ee lagu soo bandhigay waxay ahayd magaalada Boorame oo saddex habeen lagu celceliyey. Waxaa ku xigtey Gabiley, ka dibna waxay barrowsinka dhigatay Hargeysa. Halkaas oo lagu celcelnayey illaa 15 habeen, codsiga dadweynaha awgiis. Intaa ka dib riwaayaddu waxay u ambabaxday gobollada dhexe iyo kuwa koonfur. Waxaa laga dhigay magaalooyinka ku teedsan laamiga dheer ee Muqdishu taga, sida Burco, Laas-caanood, Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusa-marreeb, Baladweyne illaa Buulo-burde. Halkaa markii ay maraysey ayaa waxaa magaalada Jawhar uga horyimid ciidan loo soo diray inay joojiyaan.

Muddadii ay soo socotey iyo magaalooyinkii laga soo dhigay, Xorriyo waxay la kulantay soo dhaweyn xad-dhaaf ah. Dadku waxay u xiiseeyeen si aan caadi ahayn. Halkii ay tagtaba waxay ugu tageysey ummaddii oo heegan u ah, qof kastaana sii diyaarsaday rikoodh uu ku duubto. Waxay noqotay waxa keliya ee afka lagu wada hayo. Waxaa laga sameeyey fasiraado kala duwan. Tan ugu weyni waxay ahayd in lagu tilmaamay “riwaayad kacaan-diid” ah. Taas ayaa keentay in ciidan laga hor keeno oo dhexda lagu joojiyo.

Fannaaniintii waddey ciidankii Jawhar ka soo galbiyey waxay toos u geeyeen xaruntii ciidamada, Afisyoone. Halkaas ayaa loogu dhigay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo masuuliyiintii ka hooseysey. Mu‟allifku (Sangub) wuxuu ii sheegay inuu madaxweynuhu riwayadda fasaxay, hase yeeshee masuuliyiin kale ay ku adkaysteen inaan la dhigi karin. Wuxuu waliba intaa raaciyey in asaga nabadsugidda looga yeeray oo xabsi lagu xukumay, hase yeeshee uu xariggiisa diidey madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Si kastaba ha ahaatee Xorriyo dib dambe looma soo bandhigin. Dadka ugu badan ee ay gaadhey waxay ku gaadhey cajaladihii daawatadu ku qabsadeen oo meel walba ku faafay, dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Joojintii la joojiyey iyo kacaan-diidkii lagu tilmaamay ayaa waxay abuureen xiise hor leh oo qof kastaa jeclaystay inuu mar uun indhaha saaro. Waxay noqotay hadiyadda ugu qaalisan ee loo diro dadkii joogey dalka dibaddiisa. Xorriyo waxaa lagu tilmaami karaa riwaayad cajalad yar lagu tabiyo tii ugu faafidda badnayd uguna caansanayd. Soomaalida magaala-galeenka ah ma filayo in uu ku jiro qof waqtigaas qaan-gaar ahaa oo aanu riwaayaddaas magaceedu si uun dhegtiisa ugu dhicin.

Caan-baxaas aan caadiga ahayn waxaa caawiyey xilliga ay ku soo beegantay oo ahaa xilli uu si weyn u xoogeystey dareenkii mucaaradnimo ee lagaga hor jeedey xukunkii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ahaa xilligii ay soo baxday si weynna dadku u xiiseeyey suugaantii ka horjeeddey taliskii jirey; taas oo ay si bareer ah albaabka ugu furtay miinleydii caanka ahayd ee Khaliif Shiikh Maxamuud iyo silsiladdii ka dhalatay ee Hurgumo. Waxaa ka sii dhalatay silsiladdii Deelley ee sida weyn u shaac-baxday. Wuxuu ahaa xilligii ay bilowdeen jabhadaha hubaysan iyo hadaaqa mucaaradnimo ee lala wada bareeray, ka dib kolkii ay dabacday gacantii birta ahayd ee taliskii milatariga ahaa.

Mar kale si kooban, laba sababood ayaa loo aanayn karaa caan-bixiddii Xorriyo. Tan  hore waa mamnuuciddii dowladdu mamnuucday iyo micnihii siyaasadeed ee dadweynuhu u fasirtay. Waxaa muuqata ujeeddaddii mamnuuciddaas laga lahaa in ay cayn-wareegtay ama isu rogtay dhanka kale (Cagsiga). Tan labaad, oon qudheedu taa hore ka durugsanayn, waa mowduuca riwaayadda oo dacal ka xadanteeyey dareen dadweynaha ku jirey. Waxaa laga dhigtay fursad la isaga neefiyo naqaskii dhaliilidda xukunka jira, ee in badan dadka lagu cabburinayey!