Maanta oo taarikhdu ay ku beegan tahay 12/2/2022, waxaa xarunta dhexe ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) soo booqday Xeeldheere Afeed Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah aqoonyahannada u taagan daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga.

Prof. Cabdalla Mansuur oo ku soo wareegay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu halkaasi ku yimid, waxaana uu caddeeyay in ay cajabisay sida quruxda badan ee loo dhisay xaruntaasi, isaga oo iftiimiyay in xaruntaasi lagu qaban doono shaqooyin waxtar u leh afka Soomaaliga.

“Waxaa rajaynayaa in laga faa’iidaysan doono xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo ka kooban Xafiisyo, Tiyaatar, Maktabad, goobo martida loogu talagalay, maqaayad iyo meelo kale oo muhiim ah” ayuu yiri Prof. Cabdalla Mansuur oo sheegay xaruntaasi in ay marti-galin karto shirrar iyo bandhigyo, isla markaana lagu qaban karo tababarro, aqoon-wadaag, saminaarro iyo adeeg kasta oo lagu horumarin karo afka Soomaaliga.

Horey ayuu Cabdalla Mansuur u soo booqday xaruntaasi xilli uu meel dhexe marayay dhismaheeda.