Bandhig lagu daah-furayay buugga Ubaxii Waddanka oo uu qalinka u qaatay qoraa: C/llaahi Cali Xayle, ayna ka soo qeyb galeen Xildhibaanno, maamullada Degmooyinka, Guddoomiyaha dhallinyarada G/Banaadir, Maamulka MQS, hoggaannada bahda akhriska iyo qoraalka iyo dhallinyaro kale ayaa 18-09-2020 waxaa lagu qabtay xarunta dhallinyarada G/Banaadir.

Hadal uu munaasabaddaasi ka soo jeediyay Qoraaga buugga Ubaxii Waddanka; C/llaahi Cali Xayle ayaa ka war-bixiyay nuxurka buuggiisa, qeybaha uu ka kooban yahay iyo heerarkii uu soo marey qorida buugaasi, isaga oo halkaasi uga mahadnaqay walaalihii gacanta ku siiyay soo saarista buugiisa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Guddoomiyaha Degmada Shingaani Aweys Camuudi, Guddoomiyaha Dhallinyarada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Boondheere Md, C/xamiid, Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Najma Maxamuud Shiikh Cumar (Qaran-bila) oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay qoraha buugga inuu bulshadiisa u soo bandhiggay buug qiima badan.

Masuulyiintaasi ayaa qoraha ku dhiirri-geliyay in uu halkiisa ka sii amabaqaado dadaalkiisa ku aadan sidii uu dhaxal iyo dhigaal wacan ugu reebi lahaa bulshadiisa, iyaga oo dhinaca kale u mahad-celiyay maamulka xarunta lagu soo bandhiggay buugaasi.

Intii ay socotay xafladdaasi ayaa goobtasi heeso ka hadlayay dhinaca waxbarashada ka qaaday gabdhaha koleejada Boondheere, iyada oo dhanka su’aalo weydiinta uu daadihinaayay Guddoomiyaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed Cali Suudi Nageeye.