Kulan ballaaran ay ka soo qaybgeleen dhallinyarada akhriska iyo qoraalka, masuuliin iyo dadka daneeya hal-abuurka iyo suugaanta ayaa, 20/07/2022, lagu qabtay xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.
Munaasabaddan ay iska kaashadeen Akadeemiye Goboleedka iyo Midawga Qorayaasha Soomaaliyeed ayaa lagu falanqeeyay buugga Mangalool uu qoray, wasiir Cismaan Abukar Dubbe.
Mudane Dubbe ayaa markii koowaad dulmar ku sameeyay buugga, isagoo dul istaagay maansooyinka qaarkood, sida maansada Dulmi Caashaq, Cabbaasa ikk.
Sharraxaadda guud ka dib, ayay ka-qabgelayaashu weyddiiyeen wasiirka, su’aalo la xiriira buugga iyo su’aalo guudba.
Munaasabadda ayaa dhammaatay iyada oo xiiso weyn loo qabo, buugga iyo maansooyinka uu xambaarsan yahay
Mangalool, oo ah buug suugaaneed ay ku urursan yihiin boqol maansood, ayaa la daabacay sannadkan, waxana daabacday madbacadda Garanuug.















