Munaasabad lagu soo bandhiggayay buugga 5-ta Tiir ee Guusha, ayna ka soo qeyb-galeen madax ka socotay wasaaradda Warfaafinta, Akadeemiye Goboleedka AGA iyo naadiyada akhriska iyo qoraalka ayaa shalay oo ku beegneyd 13/8/2022, waxaa lagu qabtay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho

Qoraaga buugga 5-ta Tiir ee Guusha Cabduljabaar Sheekh  Axmed oo ugu horeyntii munaasabadaasi ka hadlay ayaa si kooban u dulmaray  nuxurka iyo macluumaadka uu buugiisa xambaarsan yahay, waxaana uu halkaasi uga mahadnaqay maamulka Akadeemiye Goboleedka AGA oo martigaliyay bandhigga buugiisa.

Madax ka tirsan waaxda dhaqanka iyo cilmi-baarista ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo bandhiggaasi ka soo qeyb-galay ayaa sheegay in buugga 5-ta Tiir ee Guusha uu yahay Buug aad u qiima badan oo ku qoran afkeenna hooyo, waxaana ay tilmaameen in loo bahan yahay in laga faa’iideysto cilmiga uu xambaarsan yahay buugaasi, iyaga oo dhanka kale bogaadiyay qoraha buugga oo bulshadiisa ku soo kordhiyay buug qiimo badan.

Horey ayaa xarunta Akadeemiye Goboleedka (AGA) waxaa loogu soo bandhiggay buugaag kala duwan oo ay qoreen aqoonyahanno Soomaaliyeed.