Wasiirro, Xildhibanno iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe  Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Madaxdaasi ayaa xarunta dhexe waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha qabanqaabada furitaanka xarunta Prof. Cabdalla Cumar Mansuur iy xubno ka mid ah hawl-wadeenka AGA, kuwaasi oo martida uga war-bixiyay qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Akadeemiyada.

Masuuliyiintaasi ayaa soo indha-indheeyay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaasi, iyaga oo sheegay in ay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadaan halkaasi.

Sidoo kale, waxaa xarunta AGA soo booqday safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Danjire Saalad Cali Jeelle, Taliyaha Booliiska G/Banaadir Gen.Farxaan Qaroole iyo madax kale oo ka kala socotay dawladda Federaalka iyo maamulka G/Banaadir.