Munaasabad aad u ballaaran oo loogu tala-galay daahfurka buugga Halista Dabka, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaal, ehelada afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, aqoonyahnno, naadiyada akhriska iyo qoraalka iyo marti sharaf aad u badan ayaa 10/3/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga, Diinta iyo Wasiiru-dawlaha Waxbarashada Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, Shiikh Cumar Cali Rooble iyo Mudane Jaabiri oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay buugga Halista Dabka in uu yahay buug waxtar badan u leh bulshada oo dhan, waxaana ay iftiimiyeen in ay ka go’an tahay dhiirri-galinta qorayaasha Soomaaliyeed, iyaga oo halkaasi ku iibsadey buugaag badan.

Qoraha buugga Halista Dabka Maxamed Xasan Cismaan (Tumeey) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay macluumaadka uu xambaraasan yahay  buugiisa, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay halista uu leeyahay dabka, isaga oo u mahad-celiyay dadkii gacanta ku siiyay soo saarista buugiisa.

Gabagabadii munaasabaddaasi ayaa qoraha buugga Halista Dabka waxaa uu halkaasi ugu saxiixay buugiisa dadkii iibsadey iyo kuwii haddiyad ahaanta loo siiyay.