Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadnaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahin iyo Senator Samsam Daahir ayaa si wadajir ah uga qeyb-galay xirritaanka bandhiggii buugta Banaadir oo si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyay 30/3/2022 magaalada Muqdisho.

Wasiir Xaniifa oo ka hadlaysay gunaanadka bandhiggaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in markii labaad ay soo af-xirto bandhiggaasi, waxaana ay ku baaqday in ummadda loo jeediyo dhanka akhriska iyo qoraalka, iyada oo halkaasi uga mahadcelisay dhallinyaradii soo agaasintay carwadaasi.

“Waan dhiirrigelinayaa qorayaasha Soomaaliyeed oo duruufaha iyo xaaladaha adag wax ku qoraya, aniga qof ahaan waxa aan rajaynayaa in aan laftayda qayb ka noqdo qorayaasha, si wax badan oo caqabado ah oo aan la kulmay ay dadka iga dambeeya ay ugu noqoto waxbarasho” ayay tiri Wasiir Xaniifa oo qirtay in uu liito hab qoraalka afka Soomaaliga, loona baahan yahay in la iska kaashado sidii loo sixi lahaa hab qoraalka afkeenna hooyo.

Senator Samsam Daahir oo iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiiradda ka hor ayaa sheegtay akhrisku in uu yahay shey ay ummadda  ku badbaadi karto, waxaana ay ka codsatay Golaha Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay dhallinyarada u bari lahaayeen hab qoraal sax ah, iyada oo dhanka kale u mahad-celisay bahdii soo agaasintay carwadaasi.

Bandhigga buugta Banaadir oo socday 29-30/3/2022 ayaa waxaa uu ku soo gaba-gaboobay si guul ah iyo jawi wanaagsan.