Xalay oo ku beegneyd 18/4/2022 waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu maamuusayay daahfurka buug la magac baxay Mangalool oo uu qorey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Federaalka Soomaaliya Md, Cismaan Abuukar Dubbe.

Munaasabaddii daahfurka buugaasi oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax ka tisran labada Gole ee dawladda, naadiyada akhriska iyo qoraalka, aqoonyahanno, ehellada afka dhaqanka iyo hal-abuurka, qorayaal iyo marti sharaf aad u badan.

Wasiirka Warfaafinta oo ah Qoraaga buugga ayaa ugu horeyntii ka hadlay macluumaadka uu xambaarsan yahay buuggiisa, waxaana uu caddeeyay in uu buugaasi ka kooban suugaan isugu jirta wadaniyad, guubaabo iyo jaceyl, isaga oo xusay in buugaasi laga helayo maansooyin dhaadheer iyo kuwo gaagaaban.

“Caawa waxa aan ka sheekaynayno waa af, dhaqan iyo suugaan, runtii caawa waa habeenkii qoraaga iyo qalinka, haddii aan fasiro Mangalool, magacaan waxaa uu ka kooban yahay laba erey oo is barkan, waxayna kala yihiin Man oo macno-ahaan noqonayo Ubax iyo Galool oo ah geedka caanka ah ee wada taqaanaan” ayuu  yiri qoraa Dubbe oo halkaasi ka mariyay qaar ka mid ah suugaanta ku jirta buuggiisa.

Wasiir Dubbe kadib, waxaa xafladdaasi ka hadlay Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Maax, Prof. Dhalxa, Sakariye Xaaji Maxamuud iyo Danjire Axmed Kayse oo sheegay in ay Wasiir Dubbe ku hambalyaynayaan buugaasi uu qorey.

Gaba-gabadii munaasabadaasi ayaa qoraha buugga Mangalool waxa uu halkaasi ku saxiixay qaar ka mid ah buugaagtii laga iibsaday bandhiggaasi.