Xaflad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna soo soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 21/2/2022, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirro, Xildhibaanno, maamulka G/Banaadir, masuuliyiin ka socotay jaamacadaha dalka, maskax-maal, ehelada afka dhaqanka iyo hal-abuurka, aqoonyahanno, bahda akhriska iyo qoraalka,  iyo marti sharaf aad u badan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Federaalka Soomaaliya Senator, Prof. Cismaan Abuukar Dubbe oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka soo qeybgalka xuska maalinta afka Hooyo oo ay soo qaban-qaabisay Akadeemiyada AGA, isaga oo bulshada caalamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska 21 Febraayo oo ku astaysan maalinta afka hooyo.

“Afku anagga ayaa u baahan, waa astaan lagu garto ummad kasta oo adduunka ku nool, waxaan ku baaqayaa in aan weyneyno afkeena hooyo maadaama uu ka mid yahay aas-aaska jiritaankeenna” ayuu yiri Wasiir Dubbe  oo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ku ammaanay sida ay ugu hawlan tahay hiilk afka Soomaaliga.

 Wasiirka ka  hor, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Xildhibaan Shiikh Aweys Cumar, Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka G/Banaadir Basma Caamir Jakeeti, maamulaha jaamacadda Green Hope Prof. Mustafa Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha dhallinyatada G/Banaadir Cabdi-kaafi Maxamuud Makaraan iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo sheegay in ay ka go’an tahay daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, iyaga ballan-qaaday in ay AGA ku garab istaagi doonaan shaqooyinkeeda ku aadan  hiilka Afka Hooyo.

Sidoo kale, waxaa munaasabadaasi ka hadlay Al ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo ku hadlayay magaca Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, waxaana uu halkaasi ka soo jeediyay khudbad uu kaga hadlayay taariikhda maalinta 21 Febraayo, sida maalintaasi sannad walba caalamka looga dabaal-dego iyo dadaalka  Akadeemiyadu ee ku saabsan daryeelka afka Soomaaliga.

Xafladaasi oo si wanaagsan u dhacday ayaa waxaa lagu soo bandhiggay warbixin soo koobaysay shaqooyinkii u  qabsoomay AGA intii u dhaxaysay 2021-2022, waxaana warbxintaasi soo jeediyay Md. Rooble -Axmed Iidle (Qalbi-taajir) oo ka mid ah hawl-wadeennada Akadeemiyada.

Intii ay socotay munaasabadaasi waxaa suugaan kala duwan ku soo bandhigtay kooxda Hiddo ee Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.