Haddii aadan horay uga qayb gelin Madasha AGA, waxa ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay kugu martiqaadaysaa Madasha AGA ee bisha Sebtember 2020, taasi oo lagu gorfeyn doono Mawduuc xiiso badan oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Xaaladda AfSoomaaliga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida DDS”

Madasha bishaan oo ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaa furaya Wasiirka Dhaqanka & Dalxiiska DDS, Mudane: Ilyaas Abiib Muxummed oo ka mid ah martida Madasha AGA ee Sebtembar 2020-ka.

Mowduuca ay madashu ku saabsan tahay waxaa soo jeedinaya:-
1- Macallin Maxamuud Maxamed Cabdillaahi oo ah Madaxa Machadka Daraasaadka Af-Soomaaliga & Suugaanta ee Jaamacadda Jigjiga, ahna wakiilka AGA ee Itoobiya
2- Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim oo ah cilmibaare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, ahna Ku-xigeenka Guddoomiyaha AGA.
Waxaana hagaya Md. Maxamed Xasan “Cirro” oo ah Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Aw-jaamac Cumar Ciise ee magaalada Nayroobi; ahna Wakiilka AGA ee Kiiniya.

Si aysan kuu seegin madasha halkan hoose ka hel faahfaahinta.
Taariikh: 5/9/2020 Sabti
Saacad: 7:00 – 9:00 fiidnimo, Waqtiga Bariga Afrika
Kaga soo qaybgal Barta ZOOM ama kala soco Facebook LIVE
Kulanka Zoom-ka kaga soo qaybgal – Join Zoom Meeting
https://us02web.zoom.us/j/7866050646
Meeting ID: 786 605 0646
Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim.