Wafdi ay hogaaminaysay Wasiirka Dhallinyarada, Dhaqanka iyo Dalxiiska dawladda Jabuuti Hibo Muumin Casoowe ayaa booqasho ku timid xarunta dhexe ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Hibo Muumin oo ay la socdeen madax  isugu jirey dawladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ku soo wareegtay qaar ka mid ah qeybaha ay ka kooban tahay  xarunta Akadeemiyada ee G/Banaadir.

Hadal kooban oo ay Wasiiraddu halkaasi ka soo jeedisay ayaa waxa ay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timid xarunta AGA, waxaana ay iftiimisay in ay wax wanaagsan qabteen madaxda iyo hawl-wadeennada Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xarunta AGA soo booqday madax ka kala socotay dawladda Federaalka iyo dawladda Jabuuti.