Alle (swt) waxa uu dhigay dadka aqoonta leh, bulshadana waxbara meel sare, oo aan cidina gaari karin, waayo wanaagga ay ummadda u hayaan ayaa Alle (swt) ku abaal mariyey, darajo sarena ku gaarsiiyey, aqoontuna waa mid u dhaweysa addoonka Allihiisa, kuna hoggaamisa jidka wanaagsan ee liibaanta iyo ladnaantaba lagu gaaro adduun iyo aakhiraba. Baruhu waa ’Wastaad ama Fuundi’ dhisaya ummad ama jiil korriin iyo koboc maskaxeed u socdo. In maskaxda la kobciyaana ma aha mid ku kooban oo kaliya dugsiyada iyo goobaha waxbarashada, laakiin waa mid ku xiran isbeddelka xilliyada ama wakhtiga.
Baraha looma fahmi karo oo kaliya in uu yahay mid mas’uul ka ah in uu waxbaro arday, laakiin waa mid mas’uul ka ah isku-xirka iyo xaalad wax kororsi ee bulshada, isaga oo fiiro gaar ah siinaya dhaqdhaqaaqa ama dareenka bulshada uu Baraha u yahay. Baruhu waa kan horseedka ka ah in la gaaro xaalad bulshada ku riixi karta tilmaamahan aan hoos ku xusidoono.
Wax u baro in aad wax ogaato
Wax u baro in aad wax qabato
Wax u baro in aad tahay qof jira
Wax u barta in aad wada noolaataan
Baruhu waa midka abuuri kara xaalad ama cimilo aqooneed, taas oo bulshada gaarsiin karta in si dhab ah loo fekero, in uu jiro dareen kala duwanaasho, maskaxduna ku tallaabsato kala duwanaashaha ku salaysan xagga aragtida. Baruhu waa kan abuura ama bulshada u horseeda aqoon ama tacliin, taas oo sare u qaadda dareenka aqooneed ee bulshada ama keenta fursad hab cusub oo maskaxdu u kobocdo. Abuuridda qaab aqooneed ku salaysan hab-dhaqan-dhaqaaleedka bulshada waa waxa uu Baruhu ku deeqo. Waxa kale oo la oran karaa waayo-aragnimada Baruhu waa mid aqoonta iyo maskax koboca bulshada lama huraan u ah.
Baruhu waa mid saameyn weyn ku leh wakhtiga, mana laha muddo kooban, cidina ma cabbiri karto meesha ay saameyntiisu ku egtahay. Baruhu waa mid wax ka beddela nolosha iyo wacyiga bulshada, isaga oo adeegsanaya tamaashiir ama jeeso, ninba sida uu u yaqaan, iyo geesinimo. Bare kasta waa mid u akhriyi kara bulshada ama ardayda buug, laakiin buugaagtu ma aha kuwa ay muhiim tahay amase lama-huraan ah in ay xambaarsan yihiin xikmad, laakiin Baraha ayaa ah mid xambaarsan xikmadda uu adeegsanayo si uu aqoontii u gaarsiiyo ardaydiisa ama bulshadiisa, sidaasna waxa yiri Henry B. Adams.
Sidaa si le’ eg ayaa Baraha lagu sifeyn karaa ama lagu tilmaami karaa mid ah shumac ifiniya wixii ku xeeran amase waxaa la oran karaa waa dab ay kulaalayaan dad dhaxameysan, dabkuna waa mid ay dhuxushiisu ama qoryihiisu u dhammaanayaan in ay dhaxanta ka diiriyaan dadkaas kulaalaya. Dad badan ayaa waxa ay rumeysan yihiin in Baruhu ka muhiimsan yahay ama ka qaalisan yahay wax uu bulshada barayo amase haddii si kale loo dhigo aqoonta uu bulshada ama ardayda barayo. Dadkaa waxa ka mid ah Baraha lagu magacaabo Karl Menninger, isaga oo arrintaa tilmaamayana waxa uu yiri:
‘What teachers is, is more important than what he teaches’
Sida aan qabo ama aan rumeysnahay, Baruhu waa mas’uuliyiinta ugu muhiimsan xubnaha bulshada, sababta oo ah xirfaddiisa barenimo ayaa ah mid saameyn iyo isbeddel weyn ku reebta nolosha dunida. Baruhu waa mid lagu tilmaami karo in uu yahay berkado ama ceelal ay ka soo maaxanayaan biyo, kuwaas oo bulshadu ku waraabin karto maan u ooman in aqoon lagu waraabiyo. Baruhu waa adeegaha ugu dulqaadka badan xirfadleyda, sababta oo ah waa mid ay xisaabta ugu jirto bar-baarinta bulshada, mana aha mid ka daalaya u adeegidda danaha bulshada iyo ardayda. Baruhu wax ayuu baraa bulshada, waayo waa mid werwer iyo dareen ka qaba in bulshadu dib-u-dhac aqooneed ku timaado, taas oo Baraha ku reebta xanuun aan dawo lahayn, Baruhu waa kan da’yarta bara in ay ku hammiyaan mustaqbal wanaagsan iyo horumar maskaxeed.
Sida ay Helen Mary Caldicott aaminsan tahay, Baruhu dulqaad ayuu u leeyahay xaqiijinta danihii iyo ujeedkii uu isu taagay ka miro-dhalinteeda, mana aha Baruhu mid caajis iyo culeys ka fuulo gaaritaanka yoolkaas. Hawsha Baruhu waa ku bar-baarinta ardayda ama bulshada aragtida ah in ay si qoto dheer u arkaan kalsoonida ay naftooda ku qabaan, taas oo ardayda ama bulshada gaarsiisa isku fillaansho buuxda iyo maan-fur sarreeya. Aqoonyahan Williams Arthur Ward ayaa waxa uu qabaa in inta badan Bareyaasha ay wax sheegaan, Baraha wanaagsanna wax qeexo ama sharxo ama soo bandhigo wixii uu hayey, Baraha ugu weynna uu yahay mid boorriya ama dhiirrigeliya aqoonta.
“The mediocre teacher tells. The good teacher explains. The superior teacher demonstrates. The great teacher inspires”.
Baruhu waa midka aan hadal kaliya sheegine, abuura xaalad ama jawi waxbarasho iyo aqoon-kororsi. Waxa kale oo la hubaa in Baruhu yahay calaamad ama sifo waxbarasho, waxaana lagu tilmaamaa Baraha Hoggaamiyaha Bartayaasha iyo Mucjisada Aqoonta (Learners’ leader and the miracles of knowledge).Baruhu waa taliyaha socdaalka wax-kororsi iyo tubta toosan, isaga oo Baruhu jid-bixiye u ah ciddii dooneysa in ay wax-kororsato. Baruhu waa mid geesinimo iyo dhiirranaan u leh in uu bulshada wax u kordhiyo, isaga oo aan dareen ka qabin jawaabta uu ku daweynayo bartayaasha. Baruhu waa mid lagu tilmaami karo in uu yahay halyeyga Maanfurka iyo Maskax kobcinta.
Baruhu waa farsamayaqaanka maskaxda iyo maanka isaga oo ku daweynaya aqoontiisa, kana dhigaya maanka dadka mid sida aaladda u shaqeeya, laakiin xambaarsan xikmad dadnimo ku dheehan tahay. Baruhu waa kan bulshada bara in ay adeegsadaan kartidooda iyo awooddooda. Baruhu waa sahmiyaha bulshada isaga oo mar walba wakhti ku bixinaya daboolidda dareenka iyo baahida bulshada. Baruhu waa kan ku deeqa wixii uga qaalisanaa ee uu haystay, ahna maskaxdiisa iyo wakhtigiisa, si uu u soo saaro deeq-bixiyayaal badan oo bulshada kaafiya, buuxiyana dal-daloolka aqoon la’aantu leedahay. Baruhu waa kan feynuuska u shida aqal mugdi dam la ah, cid kalena aysan awoodin in ay hawshaa qabato.
Baruhu waa kan sida hooyo dhallaankeed u kool-kooliso, bulshada u kool-kooliya, waxa kale oo Baraha lagu yaqaan in uu yahay mid ku dhiirran suulinta aqoondarrada, aqoontana calanka u qaada. Bare la’aantiisu waa biyo iyo baad la’aan. Maaddaama aqoontu tahay furihii horumarka iyo wax soo-saarka, ayaa baruhu yahay kii bulshada barayey sidii loo adeegsan lahaa furahaa, la’aanta Barena aqoonta fure looma heleen.Waalidku waa kan carruurta koriya, wixii nolol ah, ee ay u baahan yihiinna daboola, dushana u rita, laakiin Baruhu waa kan maareeya, wadda wanaagsanna saara nolosha carruurta, waana mid ka sharaf badan waalidiinta, waayo Baruhu waa dhisaha iyo qaabeeyaha mustaqbalka qofka. Baruhu waa albaabka sirta nolosha, sababta oo ah wixii nolosha lagu horumarin lahaa, oo aqoontu asal u tahay ayuu kaaga sir warrammaa, daboolkana kaaga qaadaa.
Waxaa Qorey: Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Garyare














