Tacliinta Sare iyo Afka Hooyo

Horumarinta tacliinta sare, waxay ku xiran tahay xoojinta iyo horumarinta afka hooyo

Afka hooyo waa lafdhabarta aqoonta, garaadka iyo hiddaha bulshada. Waa afka lagu fekero, lagu qiimeeyo adduunka, laguna kobciyo garaadka bulshada. Dal kasta oo horumar sameeya wuxuu dhisaa nidaam waxbarasho oo ku saleysan afka iyo dhaqanka degaanka ay leeyihiin.

Afka hooyo wuxuu astaan u yahay aqoonsiga, hal-abuurka iyo is-fahamka bulshada. Duulka wax ku barta af iyo aragti aan iyaga ka turjumeyn, waxay lumiyaan jiritaankooda, waxayna ku noolaadaan nolo aan madaxbanaani lahan, taasoo ah in mar walba ay magansadaan duulka wax u qoray.

Maahmaah baa ahayd: “inta aan sidii xoolihii laguula dhaqmin, waa in marka hore lagugu qanciyaa in aad xooo tahay” Waxaa la mid ah, marka lagugu qanciyo in afkaagu uusan noqon karin af tacliimeed, taas baddalkeedana aad u baahan tahay af kale oo ah midka aqoonta.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa caddeeyay in luqadda hooyo ay tahay furaha horumarka tacliinta sare. Faransiiska, Jarmalka, Japan, Shiinaha, Ruushka, iyo Kuuriyada Koonfureed oo dhammaantood leh jaamacado dunida ugu sarreeya, waxay wax ku dhigaan afkooda hooyo, iyagoo muujiyay in horumar aqooneed lagu gaari karo, kolka la dhowro afka iyo dhaqanka qaranka.

Waxbarashada Dalkeena iyo Afka Hooyo

Marka laga eego marxaladaha waxbarashada dalka, afka hooyo (Af-Soomaaliga) waxaa lagu dhigaa dugsiyada hoose, balse si tartiib tartiib ah ayuu u yaraadaa marka ardaygu u gudbi heerka dhexe iyo sare. Waxbarashada sare gabi ahaan, ama badiyaa waxaa wax lagu bartaa afafka qalaad sida Ingiriisi ama Carabi, iyadoo manhajyada badankoodu aanay si buuxda ugu tarjuman af-Soomaali.

Arrintani waxay keentay in arday badan ay bartaan aqoon aan la fahmin, maadaama luuqaddii asalka ahayd ay ee aqoonta lagu fahmi lahaa ay meesha ka baxday. Fahamka aqoonta waa inuu ku yimaadaa afka lagu fekero, lagu hammiyo laguna riyoodo, kaas oo ah afka hooyo.

Manhajyada Dalka iyo Kala Qoqobanaantooda

Soomaaliya wali ma laha manhaj mideysan oo heer qaran ah. Gobollada iyo dugsiyada gaarka ah ayaa adeegsada buugaag iyo agab waxbarasho oo u gaar ah, taas oo keentay in aqoontu noqoto mid aan isku tayo ahayn, soona saarta arday xambaarsan aragtiyo kala duwan. Kuwaas oo boqol sanno oo ee socota qilaaf aan dhamman sii gudbineysa, haddii aan degdeg wax looga qaban.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Qiimeyteeda afafka

Waxaa nasiib darro weyn ah in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah tiirkii aqoonta iyo aqoonyahannimada dalka ay la soo shirtagto barnaamijyo xoogga saaraya luuqadaha shisheeye sida Sawaaxiliga, halkii laga filaayey in xoogga iyo maalgelinta la saaro kor u qaadista iyo aqooneynta afka Soomaaliga. 

Tani waxay calaamad u tahay jihada khaldan ee nidaamka waxbarashada, maadaama jaamacadda qaranku ay tahay meesha ugu mudan ee lagu ilaaliyo, lagu kobciyo, laguna hormariyo luuqadda iyo dhaqanka dalka. In la tixgeliyo luuqadaha deriska waa arrin wanaagsan, balse waa in aanay ku imaan dayaca afka hooyo. Haddii afkii aqoonta ee bulshada uu noqdo mid laga tago, waxay horseedaysaa in ummaddu noqoto mid garashadeeda iyo aqoontaheedu ay ku xirnaato duul kale, kuwaasoo usoo minguuriya, hadba wixii iyaga la qumman.

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

Haddaba, haddii aan eegno jaamacadaha ugu tacliinta sarreeya caalamka, dhammaantood waxay muujiyeen in horumarkooda cilmiyeed uu ku dhisan yahay xoojinta iyo horumarinta afkooda hooyo:

  • Faransiiska: Jaamacadaha Sorbonne University iyo École Normale Supérieure (ENS) waxay wax ku dhigaan Faransiis, iyadoo luqaddooda laga dhigay ay tahay mid ku habboon sayniska, falsafadda iyo culuumta kale.

  • Jarmalka: Heidelberg University iyo LMU Munich iyadana waxaa wax looga bartaa afka Jarmal. Waxay doorweyn ka qaadataa eray-bixinta, sayniska iyo horumarinta afkooda hooyo.

  • Japan: University of Tokyo iyo Kyoto University waxbarashadu waxay ku baxdaa af Jabaaniis, taas oo qayb ka noqotay awoodda halabuurnimo ee dalkaas.

  • Shiinaha: Peking University iyo Tsinghua University waxay ku dhiirrigeliyaan sidii af aqooneed, waxayna si tayo leh ku sameeyeen eray-bixinta cilmiga iyo tiknoolojiyadda.

  • Ruushka: Moscow State University waxay wax ku dhigtaa afka Ruushka, taasoo ka dhigtay in luqaddaasi noqoto mid caan ku ah cilmiga iyo falsafadda.

  • Kuuriyada Koonfureed: Seoul National University waxay wax ku dhigtaa Kuuriyaan, iyadoo dowladdu maalgelisay barnaamijyo lagu casriyeynayo luqadda si ay ugu qalanto cilmiga casriga ah.

Dalalkan waxay caddeeyeen in afka hooyo uusan caqabad ku ahayn horumarinta aqoonta, balse uu yahay furaha hal-abuurka iyo is-fahanka bulshada. Marka ardaygu uu ku barto cilmi sida, saynis ama falsafad afkiisa hooyo, fahamkiisu waa mid aad qotodheer, hal-abuurkiisuna waa mid si dhab ah loo hubo.

                              Ifafaalaha

Marka afka aqoonta laga dhigo mid shisheeye oo bulshadaasi aysan ku hadal, kuna kooban goobaha waxbarashada, waxaa dhasha dhibaatooyin dhowr ah:

  • Aragti aqooneed kooban. Waxaa hubal ah, in aysan siinaba uga haqab bixin cilmiga sayniska ama falsafadda. Aqoonta oo noqota mid nuqul ciriiriya oo aan lahayn faahfaahin: Ardaygu ma abuuro fikrad cusub, balse wuxuu kaliya nuqulaa waxa uusan si buuxda u fahmin ujedkooda dhabtaa.

  • Kalsoonidarro iyo is-diiddo dhaqan. Bulshada oo u aragta afkooda mid liidata, taasoo sababta hanjabka

                                       Gunaanad

Tayada waxbarashada dalkeena, lama hagaajin karo ilaa afka hooyo laga dhigo tiirka aqoonta. Waxaa lagamammaarmaan ah in la garwaaqsado, in afka hooyo uu yahay furaha horumarka, sida ay caddeeyeen jaamacadaha ugu caansan caalamka. Faransiis, Jarmal, Shiinaha, Japan, iyo Ruush oo dhammaantood muujiyey in aqoonta iyo hal-abuurka ugu sarreeya lagu gaari karo afka deegaanka. Afka hooyo ma aha oo kaliya qalab wax lagu barto ee waa aqoonsi, waa garaad, waa jiritaanka bulsho.

                                        Talo soo jeedin

  • In la taageero Akadeemiyada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed si loo diyaariyo eray-bixin aqooneed.

  • In guud ahaan manhajka dalka lagu saleeyo af Soomaali af-aqooneed, lana mideeyo guud ahaan waxbarashada dalka. 

  • In jaamacadaha lagu dhiirrigeliyo cilmibaaris lagu sameeyo af Soomaaliga af-aqooneed si uu u noqdo afka tacliineed.

  • In Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay noqoto tiirka ugu weyn ee horumarinta afka Soomaaliga, halkii ay xoogga saari lahayd luuqadaha shisheeye.

  • In macallimiinta iyo ardaydu helaan tababaro iyo agab aqooneed af-Soomaali ku qoran si ay u helaan hanti iyo dhaxal jiilasha dhallan doona.  

                     Xigashooyin

  • UNESCO (2023). Education in a Multilingual World.

  • QS World University Rankings (2025). Modern Languages & Linguistics.

  • DAAD Germany (2024). Study in Germany: Language of Instruction.

  • Campus France (2024). Étudier en France: Langue d’enseignement.

  • Study in Japan (MEXT, 2023). Language of Instruction.

  • China Admissions (2024). Language in Chinese Universities.

  • Study in Russia (2024). Medium of Instruction.

  • Study in Korea (2024). Language Policy in Korean Higher Education.

  • Brock-Utne, Birgit (2000). Whose Education for All? The Recolonization of the African Mind.

  • Skutnabb-Kangas, Tove (2009). Linguistic Genocide in Education.

W/Q; Nimco Nuur