Tababbar lagu baranayay “Hab Socodka Midaynta Af Soomaaliga” ayna soo qaban-qaabisay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga {AGA} ayaa shalay oo ku beegneyd 28/6/2022, waxaa  lagu soo gabagabeeyay xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho.

Tababbarkaasi oo socday muddo laba maailn ah ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan labaatameeyo ruux oo isugu jiray xubnaha Akadeemiye Goboleedka iyo aqoonyahanno kale oo saaxiib dhaw la ah bahda AGA.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirweynaha AGA iyo qabashada xuska konton-guurada af Soomaaliga Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinaayay tababarkaasi ayaa si faahfaahsan ugu sharaxay ka qeyb-galayashii tababbarkaasi macluumaad badan oo oo la xiriiray Midaynta Hab-dhigaalka Af Soomaaliga.

Prof. Cabdalla Mansuur ayaa Gunaanadkii tababbarkaasi waxa uu kula dardaarmay ka qeybgalayaashii saminaarkaasi in ay ku dadaalaan kor u qaadida aqoontooda ku aadan dhinaca afka iyo hal-abuurkiisa, isaga oo ballanqaaday in uu mar walba diyaar u  yahay sidii uu wax u bari ahaa ehellada jecel afka, dhaqanka, suugaanta iyo hal-abuurka.

La taliyaha sare ee guddoomiyaha Akadeemiye Goboleedka ahna masuul ka tirsan golaha dhexe ee Akadeemiyada AGA Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus oo isna halkaasi ka hadlay uga mahadnaqay Prof. Cabdalla Mansuur tababbarkaas qiimaha badan ee uu siiyay xubnaha Akadeemiyada, isaga oo caddeeyay in ay lagama maarmaan ay tahay joogtaynta tababbarada noocaan oo kale ah.

Tababbarkaasi oo heerkiisu uu aad u sarreeyay ayaa noqonayo midkii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo la siiyo xubnah AGA ee ku sugan xarunta dhexe ee Akadeemiyada ay ku leedahay magaalada Muqdisho.