Maanta oo ku beegan 13/3/2022 ayaa tababbar ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), kuna saabsanaa “Kaalinta ay Hawl-wadeennada AGA ka qaadaan karaan Horumarinta iyo Ilaalinta Afka Hooyo”, waxaa magaalada Muqdisho loogu qabtay  xubno ka mid ah goosanka Akadeemiyada ee ka hawlgala xarunta dhexe ee Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka tababbarkaasi ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeediyeen La-taliyaha sare ee Guddoomiyaha AGA Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus, Agaasimaha Tababbarada C/llaahi Shiikh Cabdi (Gacanka) iyo Agaasimaha Arimaha Bulshada Najmo Maxamuud Shiikh Cumar (Qaran-bila) ayaa sheegay tababbarkaani in uu wax weyn ka tari doono kor u qaadida aqoonta dhinaca afka ee hawl-wadeennada Akadeemiyada, iyaga oo halkaasi uga mahadnaqay macallink bixinaya tababbarkaasi.

Intaasi ka dib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ahaa macallinkii bixinayay tababbarkaasi, isaga oo ugu horeyntii iftiimiyay sida loogu baahan yahay xubin walba oo ka tirsan Akadeemiyada in ay xil gaar ah iska saarto daryeelka iyp horumarinta afka Soomaaliga.

 “Akadeemiyada AGA, waxaa looga baahan yahay dar-dargalinta hawlaheeda ku aadan wacyigalinta, wax barida, erey bixnta, cilmi baarista, ururinta suugaanta, dhiirigalinta ehelada dhaqanka iyo hal abuurka, soo saarista Qaamuus iyo buugaag si cilmiyaysan looga baran karo afka Soomaaliga” ayuu yiri Cabdalla Mansuur oo xubnahaasi u soo jeediyay in ay Af Soomaaliga u bartaan si cilmi ah.

 Tababbarkaasi oo ahaa mid heerkiisu aad u sarreeyo ayaa xubnihii ka qeyb-galay waxa ay sheegeen in ay wax badan ka faa’iideysteen, iyaga oo codsadey in la joogteeyo tababbarada noocaan oo kale ah.